Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Sargaal Ciidan Oo Lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Isniin, April, 15, 2024 (HMC) – Askar katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay isgooska Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho ku dilay sargaal katirsanaa ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ciidanka kumaandooska ee Gorgor.

Sida aan wararka ku helnay madaxii hubka iyo rasaasta ee guutada 17-aad ee ciidanka kumaandooska ee Gorgor labo xidigle Cabduqaadir Muxudiin Aadan ayaa lagala degay gaari uu la socday kaddibna lagu dilay isgooska Ex-koontarool Afgooye.

Ehelada sargaalkan la dilay ayaa sheegay in wiilkooda saddex xabadood ku dhufteen ciidamo katirsan dowladda kana baxsadeen goobta, waxa ayna laamaha amniga iyo madaxda dowladda ka dalbadeen caddaalad.

Sargaalkan xalay lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa kamid ahaa ciidanka ka howlgalayay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kuwaa uu dhawaan dalacsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya markii uu tagay Xarardheere.

Dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkan noqday kuwa sii kordhaya, waxaana dilalka qaar dadka shacab ah iyo askar kalaba u geesanaya ciidan katirsan dowladda oo loogu tala galay ilaalinta amniga shacabka.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA