Monday, April 29, 2024
spot_imgspot_img

Israa’iil oo ku adkaysatay inay jawaab ka bixinayso weerarkii Iran

Talaado 16 April ,2024 {HMC} Israa’iil ayaa u muuqata inay go’aansatay inay qaaddo tallaabo ay kaga aargudanayso ciidamada milateriga ah ee Iran, iyo qaar ka mida taageerayaasheeda gobolka bariga dhexe ku sugan, ka dib weerarkii ay Iran ku qaaday dalkan Yuhuudda ah.

Milateriga Israa’iil oo u muuqda inay iska indho-tirayaan baaqyada uga imanaya hoggaamiyayaasha caalamka ayaa sheegay Isniintii, in Tehran ay la kulmi doonto jawaab la xidhiidha, weerarkii ay ku qaadeen Israa’iil ee ay ku rideen 350 gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo ay ka soo rideen gudaha dalkooda.

Taliyaha ciidamada Israa’iil Lieutenant General Herzi Halevi ayaa sheegay in weerarka Israa’iil “jawaab ka bixin doonaan”.

Wuxuu sheegay in Iraan ay la kulmi doonto cawaaqibka ka dhashay tallaabooyinkii ay qaaday, wuxuuna sidaas sheegay xilli uu ku sugnaa Koonfurta Israa’iil.

Milateriga Israa’iil faahfaahin badan kama bixinin nooca jawaabta ah ee ay bixinayaan, inkasta oo afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil inuu sheegay inay tallaabadaas qaadi doonaan marka ay go’aamiyaan wakhtiga.

Maraykanka oo saaxiib dhow la ah Israa’iil ayaa ku booriyey inay is xakameeyaan, isaga oo sheegay in guuldarrada ku timi weerarkii Iran, in taas lafteedu ay tahay guul ballaadhan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee Maraykanka Major General Pat Ryder ayaa sheegay in gantaalladii iyo diyaaradihii ka badnaa 300 ee ay ridday Iran, in 99% la soo riday.

Aqalka cad ee Maraykanka ayaa isna Isniintii sheegay in Israa’iil ay haatan joogto boos ka xoog badan kii ay maalmo ka hor joogtay.

Britain, France, Jordan iyo Sucuudiga ayaa ku biiray isbahaysiga Maraykanka iyo Israa’iil si loosoo rido gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29-04-2024}

Isniin 29, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Khudbad Xasaasi ah ka jeediyay Shirka Africa iyo Bangiga Auunka

isniin-29-April-2024 {HMC} Khudbaddii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka jeediyay Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka oo ka dhacay...

WARARKA