Monday, April 29, 2024
spot_imgspot_img

Wararkii Ugu Danbeeyay Israa’iil iyo Iran

Talaado 16 April ,2024 {HMC} Israa’iil waxay sare u qaaday saacadihii u dambeeyay surtagalnimada weerar ay xilli hore ku qaadi karto Iran, kaa oo jawaab u ah weerarkii habeen hore ee Iran ay ku qaaday Israa’iil.

Sida laga arkay natiijada kulamada wasiirrada dagaalka iyo taliyayayaasha ciidamada , si la mid ah dhaqdhaqaaqa diyaar garowga saldhigyada ciidanka cirka Israa’iil, intaaba waxay soo muujiyeen saan-saan inay dhowdahay waqtiga ay Israa’iil ka aargudan lahayd Iran.

Dhaqdhaqaaqan xooggan ayaa xata dhaliyay baaqyo caalami ah oo lagu dalbanayay inay Israa’iil hoos u dhigto xiisadda.

Waaxda difaaca Mareykanka iyo afhayeenka amniga Aqalka cad ayaa si isku mid ah u sheegay inay Israa’iil iyadu go’aan ka gaari doonto inay weerar ku qaado Iran, waxay sheegeen Mareykanka hadda inuusan diyaar u ahayn isku horimaad dhexmara Israa’iil iyo Iran inuu door ku yeesho,laakin hadalkan dhab ma loo qaadan kara? Jawaabta ugu habboon waa mayo, sababto ah haddii Israa’iil ku adkaysato dagaal ballaaran oo ay u baahato kaalmada Mareykanka iyo xulafadiisa si wadajir ah ayay u duuli doonaan.

Su’aasha ah Israa’iil weerar ma qaadi doonta? Waxay u muuqata inay dhici doonto weerar ay qaado Israa’iil!

Laakin muxuu noqonaya weerarka?

Waxaa maxay natiijada ay doonayo Israa’iil?

Sirta laga helay Netanyahu iyo xata Mareykanka waa inay Israa’iil qaadi doonto weerar aan ku qasbi doonin inay Iran ka soo jawaabto ama aan horseedin dagaal weyn! Maxay la macno tahay taa? Waxay u muuqata Israa’iil inay qaadi doonto mid ka agdhow weerarkii Iran , laakin soo muujiya khatar, si aan loo helin dacaayad! Filashooyinka ugu weyn waa inay Israa’iil dab ka kicin doonto saldhigyo iyo goobaha muhiimka ah ee difaaca Iran , meelo aan ka fogayn, weerarkaa oo qaadan kara waqti kooban, mid kale oo aan sugi karno waa weerar ka dhaca saldhigyada dibadda ee hantida Iran ,weerar internat ama howlgal kale oo lagu dilo saraakiil.

 

Arrimahan waa kuwa u waqtiga soo muujin doono!
Marka laga hadlayo natiijada ay ka doonayso sare u qaadista xiisadan oo noqotay mid dunidda oo dhan soo jiidatay waqti horana saameyn ku yeelatay isku socodka iyo dhaqaalaha adduunka, ayaa loo arka inay jiraan arrimo kale oo ay Israa’iil u arkayso inay u baahanyihiin in indhaha laga leexiyo.

Ma aragtay inaysan cidna ka hadal xaaladda Qasa ee ka sii-daraysa, macaluusha ka jirtana ay gaartay heerkii u sarreeyay, lama arag , sababtana waa xiisadda Iran iyo Israa’iil , si la mid ah waxaa la tirtiray kiiskii la wad waday ee duqeynta ay Israa’iil ku dishay samafalayaashii u dhashay Yurub, Mareykanka , Canada iyo Australia, waxaa kalo ay gaartay Israa’iil inay reer Yurub iyo Mareykanka ka heshay taageerro dheeraad ah oo uu ku diirsanayo Netanyahu!  Intaa oo dhan ayaa inoo xaqiijin kara si dhaqso ah inan saacadahan loo sugeyn inay weerar qaado, waxaaa suragal ah xata maalin kale inan ku jirno marxalad ka hadalka xiisadan ah! Laakin ha iloobin marka ay go’aanka ku jirto qof sida Netanyahu oo kale ah waqti kasta ayaa waxaa ku dhici kara wax lama filan ah si xiisadda ay u sii taagnaato, miiska shaqada ee reer Yurub iyo Mareykankana waxay markaa noqonayaan kaliya in laga hadlo Israa’iil iyo taageerradeeda!

Xataa waqti hore , waxaan orankarnaa in mowjadan lagu dhex jiro waxay u tahay Israa’iil , arrin wax u taraysa, waana nacas-nimo xilli hore oo ay duulaan ku qaadan Iran!
Ugu dambeyntii, waxa walaaca leh ee saacadihii u dambeeyay laga hadlayo waa surtagalnimada in xiisadan ay ku fiirinayaan Israa’iil iyo Mareykanka dulqaadka Iran oo la tuhmayo inuu u diyaar yahay farsamada u dambeysa ee soo saarista gantaaladeeda nukliyeerka, taa oo jirta inta aan faalladan ku dhex jiray Hay’adda Qaramada Midoobay ee ilaalinta Nuclear ee loo soo gaabiyo IAEA ayaa ka digtay inay Israa’iil weerarto goobaha lagu tuhmayo inay ka socoto horumarinta nukliyeerka Iran .

Iman Jamac

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Khudbad Xasaasi ah ka jeediyay Shirka Africa iyo Bangiga Auunka

isniin-29-April-2024 {HMC} Khudbaddii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka jeediyay Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka oo ka dhacay...

{DAAWO MUQAALKA} Diyaar garowga ciidanka xoogga dalka ee dagaalka Kooxda AS

isniin-29-April-2024 {HMC} Ciidamo cusub oo aad u fara isla markaana ka qeyb galayo dagaalka ka dhanka ah Kooxda al shabaab ayaa maanta lagu so...

WARARKA