Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidanka SSC oo gacanta ku dhigay Gudoomiyihii Maxkamada G/Sool ee Somaliland

Arbaco-17-April-2024 {HMC} Ciidanka Qaybta Booliiska Gobolka Sool ee Maamulka SSC ayaa gacanta ku soo dhigay Horgal Axmed Diiriye Burcad oo ahaa Gudoomiyihii Maxkamada Racfaanka Gobolka Sool ee Maamulka Somaliland

Ciidanka ayaa sheegay iney heleen xogta ninkan oo ku maqnaa Magaalada Hargeysa Dhowaana Soo Galay Degmada Laascaanood.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in ninkan la soo taagayo maxkamad si loogu ciqaabo dembiyo ay ku eedeynayaan inuu galay.

“Horgal Axmed Diiriye Burcad mudadii Deegaanka ay joogeen Jabhada Argagixisada SNM Deegaanka wuxuu ka galay danbiyo waaweyn waana ninkii ka dambeeyey in 21-6-2022 Weriye Cabbaas Madani Hooyadii Tv-ga Khasab uga hadasho raaligelinna siiso Jabhada Argagixisada SNM” ayuu yiri sarkaal ka tirsan lamaha amanka SSC.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA