Tuesday, April 30, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRA} Roobab Daadad Waaween Wato oo Ku Dhuftay Magaalada Dubai

Arbaco-17-April-2024 {HMC}  Mas’uuliyiinta iyo shacabka Imaaraatka Carabta ayaa Arbacada maanta ah nadiifinaya burburka ka dhashay roobab mahiigaan ah oo uu ku dhintay ugu yaraan hal qof, islamarkaana waxyeello gaarsiiyey guryo iyo goobo ganacsi.

Imaaraatka Carabta ayaa waxaa ka da’ay roobab oo cabirkoodu ahaa 254 mm, sida ay sheegtay xarunta saadaasha hawada ee qaranka.

Waxay ahaayeen roobabkii ugu xoogganaa tan iyo markii la bilaabay diiwaan gelinta cabirka biyaha roobka 1949-kii, ka hor inta aan dalka la aas-aasin 1971-kii.

In kasta oo roobabkii mahiigaanka ahaa ay yareeyeen galabnimadii Talaadada, haddana arbushaadda ay sababeen ayaa sii socotay Arbacada, iyada oo diyaaradda Emirates ay hakisay duulimaadyada madaarka Dubai illaa saqda dhexe ee caawa.

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Dubai, oo ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan caalamka, ayaa sheegay in ay soo wajahday hakad weyn kadib markii roobabkii da’ay ay dib u dhigeen ama ay weeciyeen duulimaadyada, isla markaana ay saameyn ku yeesheen shaqaalaha duulimaadyada.

Rakaabka ka dhoofaya Dubai ayaa lagula taliyay inaysan aadin garoonka diyaaradaha, isla markaana ay xaaladda duulimaadkooda ka hubiyaan shirkadda diyaaradaha ee ay ticket-ka ka jarteen.

“Waxaan si adag uga shaqeyneynaa inaan soo kabsano oo aan dib ugu billowno howlaha sida ugu dhaqsaha badan ee suurtogalka ah, ayada oo ay jirto xaaladan aadka u adag,” ayuu maamulka garoonka kusoo qoray barta X.

Shirkadda Emirates ayaa sheegtay in rakaabka horey ugu hakaay garoonka ee usii dhoofayey dalalka kale la caawin doono, balse waxay ka digtay inay fishaan dib u dhacyo.

Website-ka garoonka diyaaradaha Dubai ayaa muujinaya duulimaadyada baxaya iyo kuwa imanaya oo qaarkood dib u dhacyadooda ay gaarsiisan yihiin saacado.

Warbaahinta gudaha ayaa werisay in nin Emirati ah oo da’diisu ahayd 70 meeyada uu Talaadadii geeriyooday kadib markii baabuurkiisa ay qaadeen daadka, Imaaradda Ras Al Khaimah.

Dalka Cuman oo deris la ah Imaaraatka, ayaa waxaa daadadka ku dhintay 19 qof, oo ay ku jiraan caruur iskuul kadib saddex maalmood oo roobab xooggan ah, sida ay werisay warbaahinta Cumaan. Warbaahinta Times of Oman ayaa sheegtay in roobab kale la filayo maanta oo Arbaco ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {30-04-2024}

Talaado-30-April -2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii :Mohamed Baryare...

{DAAWO MUQAALKA} Taliye Sulub ‘Miino Baaristu waa Ciidan ka hortagi kara Qatar kasta oo bulshada kusoo wajahan’

Talaado-30-April -2024 {HMC} Taliye Sulub 'Miino Baaristu waa Ciidan ka hortagi kara Qatar kasta oo bulshada kusoo wajahan' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/hFgg5FipZqM

WARARKA