Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} MD Soomaaliya oo maanta guddoomiyay Shirka amniga Caasimadda

Arbaco-17-April-2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyey Shirka Amniga Gobolka Benaadir oo looga hadalay dardar galinta tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga Caasimadda Muqdisho.

Kulankan oo markii ugu horreysay looga yeeray Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa warbixino ku saabsan xaaladda amniga Caasimadda looga dhageystay mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka, iyaga oo soo bandhigay qorsheyaashooda ku aaddan ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS, Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Benaadir.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA