Sunday, May 26, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} RW ku xigeenka oo Xilalka Ukala Wareejiyay Qaar Ka Mid Ah Wasiirada

Arbaco-17-April-2024 {HMC}  Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Salah Jama, ayaa xilalka uu kula wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mudane Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Jaamac Xasan Khaliif.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo ku bogaadiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda shaqadii uu Qaranka u soo qabtay, ayaa tilmaamay in dal uusan horumar gaari karin haddii uusan lahayn adeeg teknolojiyadeed oo casri ah, lana jaanqaadaya dunida, kaas oo kaalin weyn ka qaata horumarinta dhinacyada caafimaadka, waxbaashada, dhaqaalaha iyo adeegyada bulsho ee ay dowladdu gaarsiineyso dadka Soomaaliyeed.

Mudane Saalax ayaa sheegay in Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ay muddo yar ku sameysay horumarro waa-weyn oo ay kamid yihiin sameynta shuruuc iyo siyaasado Qaran oo horseedaya qorshe isbddel oo la jaanqaadaya dunida casriga ah.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xilalka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Jaamac Cabaas Taqal.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey Wasiirkii hore shaqooyinkii uu Qaranka u soo qabtay, isaga oo kula dardaarmay Wasiirka cusub ee xilka la wareegay in uu ka shaqeeyo sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen biyo nadiif ah iyo koronto jaban.

 

{DAAWO MUQAALKA} Maxkamada Gobolka Hiiraan oo maanta u fadhiisatay dhageysiga Kiis dil ah oo ka dhacay Baladweyne

Sabti 25, May 2024 {HMC} Maxkamadda Gobolka Hiiraan, qeybta ciqaabta, laanta tashiga, ayaa maanta u farriisatay dhageysiga garmaqalka 1-aad ee gal dacwadeed ciqaabta ah...

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn {25-05-2024}

Sabti, 25 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaan...

WARARKA