{DAAWO SAWIRADA} Wasiir FIQI oo Muqdisho Ku Qaabilay Wakiil Ka Socday UN-KA

0
90

Arbaco-17-April-2024 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho ku qaabilay, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Catriona Laing, oo uu kala hadlay dhowr arrimood oo ay ku jirto siyaasadda iyo amniga ee ah kuwa lagama maarmaanka u ah horumarka qaranka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii looga wada-shaqayn lahaa wax ka qabashada caqabadaha ay wajahayso Soomaaliya, iyadoo la muujiyay sida ay lama huraanka u tahay sii ambaqaadidda iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.

437382205 813678167451631 2001837358151388573 n 438087185 813678227451625 2113450275568906836 n 438088914 813678154118299 7072768351279915460 n 437397816 813678320784949 5076095559493923793 n 436489273 813678264118288 2308125746950673688 n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here