Tuesday, April 30, 2024
spot_imgspot_img

Gabadh Habeenkii arooskeda kufsi wadareed loogu gaystay magaalada….

Arbaco-17-April-2024 {HMC} Maxkamadda Magaalada Wajeer ee gobolka woqooyi bari dalka Kenya waxaa maanta lasoo taagay mid ka mid ah lix eedaysane oo ku tuhman kufsi wadareed loo geystay gabar marwa ah isla markaana aroos cusub ahayd.

Eedaysanaha oo lagu magacaabo ayey ciidamada ammaanku kasoo qabteen mid ka mid ah xaafadaha Magaalada Wajeer,

Laamaha ammanka ayaa sheegay in lagu raad joogo rag lagu tuhmayo in ay falkaan wax ka geysteen oo tiradoda lagu sheegay shan kale.

Eedaysanaha gacanta lagu dhigay ayaa iska fogeeyay eedaha loosoo jeediyay, sidaas darteedna waxay maxkamadda magaalada Wajeer oo dacwadda dhagaysnaysay ay sheegtay in mar kale dib loo dhagaysan doono toddobaadka dambe.

Eedaysanaha ayaa gacanta booliska kusii jiri doona ilaa kiisku ka dhamaanayo, sida ay sheegtay garsooraha maxkamadda Roslyn Oganyo.

Haweeney u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dumarka oo lagu magacaabo Safiya, isla markaana goobjoog ka ahayd dhagaysiga dacwadda ayaa sheegtay in eedaysanuhu uu maxkamadda horteed ku diiday in uu dembigaas geystay, in kasta oo iyaga tuhun ku jiro.

Daynaba, gabar ku soo koobtay magaceeda oo ay qaraabo yihiin gabadha la kufsaday ayaa sheegtay in falka loo gaystay aroosadda cusub iyada oo ku sii socota xarun caafimaadka oo ku taalla magaalada Wajeer.

Daynaba oo ka hadlaysa sidii ay warka ku heleen ayaa tiri: “Inaga oo cideyda joogo ayaan colcolaad maqalnay, wiilalbaan wacnay.. war maxaa dhacay ayaan dhahnay, gabar tiin ah ayaa la xoogay ayey dheheen, masoo baxnaa ayaa dhahnay kadib waxay dheheen mayee iska jooga annaga ayaa soo wadnee”.

Markii ay la kulmeen gabadha ayay sheegtay in ay xog wareysteen kadibna u sheegtay sidii ay wax u dhaceen.

“Gabadha oo isbitaal kusii socotay ayay nin gaadiid wata waxay ka codsatay in uu sii qaado, balse intii iyada uu waday ayuu dhowr qof sii wacay” ayay tiri iyada oo sharraxaysa qaabkii gabadha wax ugu dhaceen.

“Markii ay soo gaareen nimankii uu wacay jidkii aan u socday ayaa la iga leexiyey, markii aan dhahay waddadii waad ka leexateenna”xijaabkaygaa la igu duuduubay afkaa la i qabtay lugahana waa la iga xiray” ayey tiri Daynaba oo soo xiganaysa gabadha dhibanaha ah oo u warrantay.

Daynaba ayaa waxay sheegtay in eedaysanayaashu ay dhammaantood yihiin dad ay garanayayaan qoysku maadaama ay isku magaalo dagan yihiin.

”Waa la yaqaanaa, hooyooyinkood ayaa la garanayaa aabayaashood ayaa la garanaya,” ayey tiri Daynab.

Eedeysanaha maanta maxkamadda la soo taagay ayaan ila iyo haatan loo qaban qareen u dooda.

Dhanka kale Daynaba ayaa waxay sheegtay in ganadha dhibanaha ah aysan waalidkeed ku sugneen magaalada dhibku kula dhacay. Waxay sheegtay in hooyadeed iyo aabaheedba ay ku nool yihiin meel u dhaxaysa xadka Kenya iyo Itoobiya.

Kiisaska kufsiga ayaa ah kuwa marar badan la geeyay maxkamadda degmada Wajeer. Kufsiyada loo gaysto gabadhaha da’yarta ah ayaana ah kuwa ugu badan ee maxkamaddu ay qaado kiisaskooda.

Xaakinka maxkamadda Wajeer ayaa dhageysiga dacwadda ka dib waxay sheegtay in aan waan waan laga gali doonin cid kasta oo kufsi ama tacaddi kale kula kacda haweenka.

”Dawladdu hanoo soo qabato [dadkii ka dambeeyay] , annaga waan baaba’nay, gabar nooma dhagna” ayey tiri Daynaba.

Dhanka kale, Safiya oo oo u doodda xuquuqda haweenka oo iyaduna ka walwalsan kufsiga lagula kaco dumarka ee deegaankooda ka dhaca ayaa sheegtay in ay ka shaqaynayso sidii gabadhan hadda la kufsaday iyo kuwa kaleba caddaalad ay ku heli lahaayeen.

Dacwadda oo dhageysigeeda dib loogu dhigay 18-ka bishaan ayaan weli qareen loo qaban eedaysanaha gacanta lagu hayo illaa hadda.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {30-04-2024}

Talaado-30-April -2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo:Mustaf Ali Addow farsamadii :Mohamed Baryare...

{DAAWO MUQAALKA} Kulan ciyaareed udhaxeeya macalimiinta iyo bahda wariyayaasha oo lagu qabtay magaalada baladwayne

Talaado-30-April -2024 {HMC} Kulan ciyaareed udhaxeeya macalimiinta iyo bahda wariyayaasha oo lagu qabtay magaalada baladwayne HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/Hbge-usCdUQ

WARARKA