Tuesday, April 30, 2024
spot_imgspot_img

Jilaa caan ah oo ka bad baaday isku day dil

Arbaco-17-April-2024 {HMC} Jilaaga caanka ah ee reer Hindiya Salmaan Khan ayaa ka bad baaday weerar rag hubeysan ku qaadeen gurigiisa oo kuyaalla magaalada Mombai , ragga hubeysan ayaana doonayay in ay nolosha dhaafiyaan aktarkan caanka ah.

Ragga weerarka ku qaaday guriga Salman Khan ayaa ka tirsan koox diimeed uu hoggaamiyo nin dilaa ah la yiraahdo Lawrence Bishnoi, waxa ayna kooxdan ka careesnaayeen dil uu Salman Khan 20-sanno kahor u geestay labo cowl.

Salman Khan ayaa xilligan weerarka lagu qaaday gurigiisa waxaa kula sugnaa xubno katirsan qoyskiisa, waxa uuna dareemay cabsi ka dhalatay weerarka , isagoona si deg deg ah falkaasi booliiska ula wadaagay.

Booliiska Hindiya ayaa howlgal ay sameeyeen ugu dambeyn kusoo qabtay labada nin ee dooneysay in ay dilaan Salmaan, kuwaa oo kala ah Vicky Gupta oo 24 sano jir ah iyo Sagar Kumar Palak oo 21 jir ah, waxaana lagu qabtay raggan degmada Kutch ee gobolka Gujarat.

Labada nin ee la xiray ayaa Axadii weerar ku qaaday guriga Salman Khan, waxa ayna raggan qirteen in iyagu ka dambeeyeen weerarka isku dayga dil, waxa ayna sheegeen in ay muddo raadinayeen sidii ay ku dili lahaayeen jilaaga.

Hoggaamiyahan kooxdan weerarka Salman Kahn oo lagu magacaabo Lawrence Bishnoi ayaa ah nin dilaa arxan daran, waxaana ninkan la xiray sannadkii 2022-kii , kaddib markii uu dilay nin fannaan ah oo u dhashay Hindiya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {30-04-2024}

Talaado-30-April -2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii :Mohamed Baryare...

{DAAWO MUQAALKA} Taliye Sulub ‘Miino Baaristu waa Ciidan ka hortagi kara Qatar kasta oo bulshada kusoo wajahan’

Talaado-30-April -2024 {HMC} Taliye Sulub 'Miino Baaristu waa Ciidan ka hortagi kara Qatar kasta oo bulshada kusoo wajahan' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/hFgg5FipZqM

WARARKA