Tuesday, April 30, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweynaha Turkiga. oo Sheegay in Israaiil ay isku dayayso hurinta colaadda Gobolka

Arbaco-17-April-2024 {HMC}  Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa eedayn culus u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu isaga oo dusha ka saaran xiisadda adag ee ka taagan Bariga Dhexe in uu sababteeda uu leeyahay.

Erdogan ayaa intaas ku daray in Israaiil oo garab iyo gaashaan u ah Maraykanka & Dalalka reer Galbeedka in marba waddan ay ku samaynayso xadgudub sidaasina ay ku abuurmeen xasaradaha haatan ka jira Bariga Dhexe.

Recep ayaa tilmaamay in Israaiil ay xasuuq ka gaysatay Magaalada Gaza iyo deegaanno kale oo Dhulka Falastiin ah sidoo kale ay weerarro gardarro ah oo ay ka fulisay Dalal kale kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

“Israaiil waxa ay isku dayaysaa hurinta colaadda Gobolka, waxa ay weerartay Safaaradda Iiraan ee Dimishiq waana dacdadii ugu dambaysay, Netanyahu ayaa mas’uul ka ah xiisadda ka taagan Bariga Dhexe” Ayuu yiri Recep Tayyip Erdogan Madaxweynaha Turkiga.

Soo gabagabaynta xiisadda ka taagan Bariga Dhexe waxa uu fure uga dhigay in marka hore Israaiil ay joojiyo xasuuqa ay ka gaysanayso Dhulka Falastiin gaar ahaan Magaalada Gaza oo ah goobta tacadiga badan ay ka gaysatay.

“Isku dhacyada cusub ee Gobolka in ay soo ifbaxaan ama sii jiraan waa suuragal ilaa inta xasuuqa & arxan-darrada Israaiil ay ka gaysanayso Gaza ka joojiyo, waxaana ku baaqayaa in dhinac looga soo wada jaysto” ayuu hadalkiisa kusii daray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa dhowr jeer waxa uu ka gaabsada la kulanka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka sabab la xiriirta in Washington ay Israaiil ku garab-taagan tahay dhibaatooyinka ay ka gaysanayso Dhulka Falastiin.

{DAAWO MUQAALKA} Wafdi ka socda Soomaaliya oo Masar uga qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Baarlamaanka Carabta.

Talaado-30-April -2024 {HMC} Wafdi ka socda Soomaaliya oo Masar uga qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Baarlamaanka Carabta. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/0aoQxKevKJ8

{DAAWO MUQAALKA} Ra’iisul Wasaare Hamza “Annaga waxaa ka shaqeynaynaa in teendho danbe aan la isku dooran”.

Talaado-30-April -2024 {HMC} Ra’iisul Wasaare Hamza “Annaga waxaa ka shaqeynaynaa in teendho danbe aan la isku dooran". HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/aRz6fVPUWu0

WARARKA