Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxkamada ciidanka Jubbaland oo soo gebagebeysay dacwada rag loo heysto kiis dil ah

Arbaco-17-April-2024 {HMC} Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta soo gabagabeeysay dhegeysiga garmaqalka gal-dacwadeed ay wadajir eedeysanayaal uga yihiin Maxamed Ibraahim Cali, Ilyaas Maxamed Xassan iyo Cabdullaahi Sheekh Cabdiwahaab Sheekh Cabdiraxmaan oo xafiiska xeer ilaalinta maxkamadda ciidanka Jubbaland uu ku soo eedeeyay in ay wadajir uga wada qeyb qaateen AUN dilkii magaalada Kismaayo loogu geystay Sheekh Cabdullaahi Dalab sanadkii 2016.

G/le Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali Xeer Ilaaliyaha Ciidanka Jubbaland oo maanta soo gabagabeeyay soo bandhigidda eedaha loo haysto eedeysanayaasha Maxkamadda kasoo hormuuqday ayaa Maxkamadda ka codsaday in eedeysanayaasha kala ah Maxamed Ibraahim Cali iyo Ilyaas Maxamed Xassan ay ku xukunto qisaasta Marxuum Sheekh Cabdullaahi halka eedeysanaha sadexaad Cabdullaahi Sheekh Cabdiwahaab Sheekh Cabdiraxmaan oo lagu eedeeyay inuu gabaad siiyay isla markaana raggan ka caawiyay fulinta dilka Marxuumka ayuu sidoo kale Xeer ilaaliyuhu Maxkamadda ka codsaday in ay ku xukunto qodobada lagu soo eedeeyay.

Ugu dambeyn fadhiga Maxkamadda waxaa soo xiray Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/le Dhexe Bashir Maxamuud Xareed, wuxuuna sheegay in wixii hadda ka dambeeya maxkamaddu ay go’aan ka gaari doonto kiiskan, maalmaha soo socdana ku dhawaaqeyso xukunkooda.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA