Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Puntland oo sheegtay in xildhibaanada DFS aysan Puntland ku matali karin Muqdisho.

Arbaco-17-April-2024 {HMC}  Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu kalsoonidii kala noqday xildhibaanada ku matala labada aqal ee baarlamaanka ee kasoo horjeeda go’aannada ay Puntland ka qaadatay xiriirka dowladda federaalka.

Puntland waxay sheegtay in xildhibaanadaas aysan Puntland ku matali karin Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa yiri hadalkaan, isagoo sheegay in xildhibaanada ay Puntland u dirsatay Muqdisho, ay mucaarad ku noqdeen deegaanadii lagasoo doortay.

“Qofka meesha lagasoo doortay mucaarad ku noqday, xagguu joogayaa? Waa inay ogaadaan in aanay xasaanad lahayn haddii ay dafireen degaankii lagasoo doortay. Iyaga iyo dadka suuqa jooga waa isku mid.” Ayuu yiri wasiir Caydiid Diri.

Hadalka wasiirka warfaafinta Puntland ayaa yimid, xilli qaar kamid ah xildhibaanada labada aqal ah ee kasoo jeeda Puntland, ay sheegeen inay iyagu arrimaha Puntland kala xaajoonayaan dowladda federaalka, maaddaama uu madaxweyne Deni xiriirka u jaray dowladda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannadan ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu arrimo siyaasadeed oo isaga u gaar ah uu kula dirirsan yahay dowladda federaalka, taasoo ay sheegeen inay kala dhalatay in dadka reer Puntland ay waayaan mashaariicdii ay xaq u lahaayeen.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA