Tuesday, April 30, 2024
spot_imgspot_img

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxweynaha Bangiga Adduunka iyo Ku Xigeenkiisa.

Arbaco-17-April-2024 {HMC} – Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya oo kulamo gaar ah la qaatay Madaxweynaha Bangiga Adduunka iyo Ku Xigeenkiisa, isagoo ku sugan dalka Mareykanka.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay shirka guud ee Wasiirada Maaliyadda Dalalka Afrika iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka, xili uu soconayo shirka Xiliga gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo matalaya dhammaan Wasiiradii shirka ka soo qabgalay, kuna hadlay afkooda ayaa jeediyay khudbad uu ku faahfaahiyay habka unuglaanshada Deymaha, ka soo kabashada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Tan iyo wixii ka dambeeyay December 2023, Soomaaliya waxa aheyd tusaale ay ku daydaan dalalka soo koraya ee deymaha lagu leeyahay.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Wafdiga ku wehliya shirarka Washington waxa ay shir gaar ah oo arrimaha Soomaaliya ah la qaateen Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Adduunka qeybta Bariga iyo koofurta Qaaradda Afrika.

Shirkaas ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta iyo ballaarinta taageerada Bangiga ee Soomaaliya.

Bangiga Adduunka waxa uu ka mid yahay Saaxibada Soomaaliya ee ka qeyb qaata fulinta Mashaariicda horumarineed iyo dib-u-haneynta Maaliyadda oo hada meel aad u wanaagsan maraya.

{DAAWO MUQAALKA} Wafdi ka socda Soomaaliya oo Masar uga qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Baarlamaanka Carabta.

Talaado-30-April -2024 {HMC} Wafdi ka socda Soomaaliya oo Masar uga qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Baarlamaanka Carabta. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/0aoQxKevKJ8

{DAAWO MUQAALKA} Ra’iisul Wasaare Hamza “Annaga waxaa ka shaqeynaynaa in teendho danbe aan la isku dooran”.

Talaado-30-April -2024 {HMC} Ra’iisul Wasaare Hamza “Annaga waxaa ka shaqeynaynaa in teendho danbe aan la isku dooran". HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/aRz6fVPUWu0

WARARKA