Tuesday, April 30, 2024
spot_imgspot_img

Xiisad Dagaal oo maanta ka taagan Gobalka Sool xilli Diyaar garoow ay ku jiiraan SSC iyo Soomaliland.

Arbaco-17-April-2024 {HMC} Wararka aan ka helayno aagga u dhaxeeya Somaliland iyo SSC Khaatumo ayaa waxay sheegyaan in halkaas ay ka jiraan dhaqdhaqaqyo ciidan oo laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhaco aagga.

Labada dhinac ayaa waxay ciidamo keeneen goobaha qaar ee ay isku hor fadhiyeen markii horaba.

Ilaa saddex deegaan ayaa ciidamo dheeraad ah la keenay sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Deegaanka Buqdharkayn oo ay hore uga dheceen dagaallo u dhexeeya labada dhinac ayaa ka mid ah meelaha la keenay ciidamo cusub.

Goobtani waxay qiyaastii 180 kilomitir dhanka woqooyi galbeed kaga began tahay magaalada Laascaanood.

Oog oo ay marto waddada laamiga ah ee isku xirta Burco iyo Laascaanood ayaa iyadana lasoo warinayaa in ay isku hor fadhiyaan ciidammo ka socda labada dhinac.

Qiyaastii boqol kilo mitir ayey halkani dhanka woqooyi kaga began tahay Laascaanood.

Goobahan ayaa hore u wada ahaan jiray saldhiyo ciidan oo fadhiisimo u ahaa ciidamada Somaliland ka hor inta uusan dhicin dagaalkii ay la galeen kuwa SSC, dagaalkaas oo burbur xooggan gaarsiiyey magaalada Laascaanood.

Xoghayaha Warfaafinta maamulka Khaatumo SSC, Daahir Cabdirisaaq Axmed ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ku sugan yihiin deegaanadooda isla markaana aysan cidna dagaal kula jirin haatan, balse waxa uu qiray in ay jiraan dhaqdhqaaqyo ka socda meelaha xadka u ah labada dhinac.

“Annagu xaaladayada umbaan ka hadli karnaaye waxaanu ugu baaqaynaa uun nabad gelyo umadda Soomaaliyeed ee aanu deriska nahay, wax colaad ah oo deegaanakayaga ka aloosan oo aan degaanno kale ku qaadeynaana ma ay jirto,” ayuu yiri Dahir oo BBC la hadlay.

Dhanka Somalilan, Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay BBC da in ay jiraan diyaar garow ay ku tagayaan deegaanada Khaatumo ee ay horay uga talin jireen.

Balse khubarada ciidanka ayaa waxay sheegayaan in roobabka xilliga Guga ay baajin karaan colaad halkaas ka dhacda.

Muuqaallo lagu wadaagay baraha bulshada ayaa muujinaya ciidammo dhalin yaro u badan oo muuqaallo ay iska duubayaan ku sheegaya in ay dagaal diyaar u yihiin, BBC ma xaqiijin karto in ay yihiin ciidammo rasmi ah oo Somaliland leedahay iyo in kale.

Colaadda u dhaxaysa Somaliland iyo SSC Khaatumo ayaa ka bilowday Laascaanood oo markii hore ay ka talin jirtay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhwaaqday madax bannaanideeda ee Somaliland.

Bilowgii dagaalka waxaa la isku adeegsaday hub culus, waxaana xaafado badan burburiyey madaafiic iyo hoobiyeyaal ku soo dhacaysay.

Odayaal dhaqameed (Garaado) deegaanka ka soo jeeda, markii uu dagaalka qarxayna intooda badan saldhig ka dhigtay magaalada, ayaa durba bilaabay inay ku soo uruuraan Laascaanood si ay u jiheeyaan dhallinyaro hubaysan oo ciidanka Somaliland dagaal la galay.

Dhallinyaradaas iyo Garaadada waxay ka caroodeen dilal ay sheegeen in lagu hayo ‘hal doorkii gobolka’.

Kacdoonkii sababay dagaalka ayaa xoogiisu ka dhashay dil habeennimadii 26 kii Diseembar ee sanadkii hore magaalada gudaheeda lagu geystay Cabdifataax Cabdullaahi Hadraawi oo u dambeeyey dilal is daba joog ah oo loo gaystay dad bulshada magac ku dhex leh oo ay dileen ‘dabley aan la aqoon’.

Cabdifataax wuxuu ahaa xubin ka tirsan xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani.

Guddiga odayaasha dhaqanka oo 33 ka kooban waay ku eedeeyeen Somaliland inay ka dambaysay dilka Hadraawi iyo dad kale oo magaalada ay ku dhex dileen dabley aan la aqoonsan, sida la sheegay xilligaas, inkasta oo ay Somaliland iska fogeysay eedaas.

Madaxweyne Biixi ayaa ku eedeeyay “argagixiso” in ay dilka ka dambeeyeen.

Ugu dambeyn dagaalka oo muddo socday ayaa istaagay kadib markii ciidamada SSC Khaatumo ay la wareegeen saldhigga muhiimka ah ee Gooja Cadde halkaas oo Somaliland ay sheegtay in ciidankeedu uga bexeen xeelad dagaal.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29-04-2024}

Isniin 29, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Khudbad Xasaasi ah ka jeediyay Shirka Africa iyo Bangiga Auunka

isniin-29-April-2024 {HMC} Khudbaddii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka jeediyay Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka oo ka dhacay...

WARARKA