Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada Bada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Yurub oo Dhoolo Tus Sameeyay

Khamiis -18-April-2024 {HMC}  Ciidamada xeebaha Soomaaliya iyo kuwa badda ee Midowga Yurub ee loo yaqaano (ATALANTA) ayaa maanta si wadajir ah dhoolatus wayn uga sameeyay xeebaha Soomaaliya, oo muddooyinkii dambe lagu arkayay burcad badeed.

Labada ciidan ayaa si mideysan Layli ugu qaatay Markabka dagaalka lagu magacaabo (CANARIAS) ee dalka Spain ee jooga gudaha biyaha Soomaaliya.

Ujeedka Layligaan ayaa xambaarsanaa qaababka la dagaalanka burcad-badeedka, dhaca hubeysan ee badda iyo ka hortagga maalgelinta sharci darrada ah ee dembiilayaasha iyo shabakadaha Argagixisada.

Sidoo kale Layligaan wuxuu kamid yahay tababarada joogtada ah ee lagu tayeynayo ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya, sarena loogu qaadayo xirfadaha kala duwan ee saraakiisha ammaanka iyo nabadgalyada badaha.

Dhaq-dhaqaaqan waxaa hoogaaminaayay Taliyaha Ilaalada Xeebaha Gaashaanle sare Bashiir Cabdi Qaasim iyo Taliyaha Markabka Dagaalka “CANARIAS” (F-86) Carlos CASTOSA.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo mar kale ay soo rogaal celiyaan kooxaha burcad badeedda oo todobaadkan 5 milyan oo dollar madax furasho uga qaateen Marka MV Abdullah oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay ku haysteen xeebaha bari ee Soomaaliya.

Afduubkan markabkan waxaa ka horreeyay markab kale oo lagu magacaabo MV Ruen oo isna laga badbaadiyay burcad badeeda, kadib markii ay nolosha ku qabteen kooxdii afduubayaasha ahaa ciidanka badda Hindiya oo ugu dambeyn ka dajiyay dalka Hindiya.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA