Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidanka Doowlada oo Dagaal Ku dilay in Ka badan 10 xubin oo katirsan AS

Khamiis -18-April-2024 {HMC}  Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka xoogga dalka oo gacan ka helayay ciidanka deegaanka iyo dagaallamayaal katirsan Al Shabaab, ayaa maanta ka dhacay deegaan hoostaga degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo ku jiray howlgal roondo ah ayey is heleen dagaallamayaal katirsan Al Shabaab, waxaana labada dhinac dhax maray dagaal xooggan oo dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac .

Dagaalka labada dhinac dhax maray ayaana ka dhacay tuulo lagu magacaabo Taflow oo qiyaastii 30-km u jirta degmada Bardaale, waxaana halkaasi ku sugnaa oo lagu weeraray kooxda Al Shabaab xubno badan oo katirsanaa.

Maxamed Isaaq Xasan (Carracase) oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka huwanta ah hoggaamineysay ayaa sheegay in iyaga oo roondo ku jira is heleen kooxda Al Shabaab, waxa uuna xusay in dagaal ay la galeen ku gaarsiiyeen khasaaro xooggan.

Sargaalkan ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab ka dileen 13-xubnood kuwa kalana ka dhaawaceen, waxa uuna xusay in dhankooda dagaalka maanta uga dhinteen labo nin sidoo kale uga dhaawacmay nin kale,

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee dagaalka la galay Al Shabaab ayaa furtay hub iyo rasaas kala duwan ay wateen xubnaha Al Shabaab ee dagaalka lagu dilay, waxa ayna saraakiisha ciidanka sheegeen in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA