Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Golaha Senatka Mareykanka oo meesha ka saaray eedihi Aqalka Wakiilladu xilka uga Qaaday Wasiirka Amniga Gudaha.

Khamiis -18-April-2024 {HMC}  Golaha Senatka Mareykanka ayaa Arbacadi shalay meesha ka saaray dhammaan eedihi uu Aqalka Wakiillada xilka uga xayuubiyay Wasiirka Amniga Gudaha Alejandro Mayorkas.

Xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiillada ayaa Mayorkas ku eedeeyay inuusan ku dhaqmin xeerarka xuduudaha Mareykanka iyo inuu been u sheegay koongareeska.

Aqalka Senatka oo ay aqlabiyad hal dheeri ah ku maamulaan dimoqraadiga ayaa tuuray labada qodob ee ay kusoo eedeeyeen Aqalka Wakiillada. Waxana ay xeerkoodu ku baas mariyeen codad dhan 51-48 iyo 51-49.

Jamhuuriyiinta ayaa ku doodaya in madaxweyne Biden uu aad ugu dabacsanyahay muhaajiriinta sida sharci-darrada ah uga soo tallaabaya xadka, kadib marki ay laba milyan oo ruux ay kor u dhaafeen dadka kasoo galaya xadka koofureed ee Mareykanka labadi sano ee lasoo dhaafay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA