Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweynaha Falastiin oo Iska diiday qorshe uu usoo bandhigay Madaxweyne Mareykanka

Khamiis-18-April-2024 {HMC} Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas ayaa lagu warramaya inuu diidday qorshe uu usoo bandhigay Madaxweyne Mareykanka , Joe Biden, oo ka dalbaday inuu joojiyo qaraarka qabyada ah ee Khamiista la horgeynayo Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ku saabsan in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay, sida ay sheegtay warbaahinta Axios oo ku dhow Aqalka Cad.

Helitaanka xubin buuxda – taas oo u dhiganta in Qaramada Midoobay ay aqoonsato dawlad Falastiin – marka hore waxay u baahan tahay sagaal cod si qaraarka loo horgeeyo 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo cod u qaadaya.

Golaha oo uu ku jiro Mareykanka, wuxuu u baahan doonaa inuu ansixiyo codsiga, ka dibna waa inuu helaa ugu yaraan saddex-meelood laba meel codadka Golaha Guud, si ay Falastiin uga dalacdo goob-joogaha ay ka tahay Qaramada Midoobay oo ay u noqoto dal xubin buuxa ka ah.

Saraakiisha Maraykanka iyo Israa’iil ayaa sheegay in maamulka Biden uu isku dayayo inuu ka hor istaago Falastiiniyiinta inay helaan sagaalka cod si uusan Mareykanka ugu qasbanaan inuu adeegsado codka qayaxan oo dhaleeceyn badan uu kala kulmay saddex mar oo uu u adeegsaday qaraar ku baaqayay xabbad-jooninta Qasa.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA