Wednesday, May 1, 2024
spot_imgspot_img

Magaalada lagu tilmaamo Jannadii Soomaaliya oo weli daad dhex jiifo

Khamiis -18-April-2024 {HMC} Isbedelka ku yimid cimillada adduunka ee sababay fatahaaddiiEl Nino ee sannadkii hore ku dhuftay Soomaaliya, ayaa saameyn qallafsan ku yeeshay waxsoosaarka beeraha ee deegaanka Jannaalle ee gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan kuwa moosku ka baxo.

Jannaale oo ah deegaan beeraha qani ku ah ayaa waxaa saameeyey daadad ka dhashay roobabkii dayrta ee El Nino oo gobolka maasheeyey, taas oo keentay in webiga Shabeelle ee halkaas mara ku fataho dhul beereed baaxad leh.

Guddoomiyah Degmada Jannaalle, Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdinuur (Al Caddaalla) ayaa  sheegay in uusan deegaanku ka soo kaban fatahaaddii El Nino ee kal hore, taas oo raadadkeedi ay weli Jannaale ka sii muuqdaan, sida in qaybo magaalada ka mid ah uu weli daad jiifo.

Guddoomiye Al Caddaala oo ka sii hadlayey daannada gaartey nolosha dadweynaha reer Jannaale ayaa sheegay in degmada ay ka dillaacay cudur halis ah oo beeraha mooska baabi’iyey, taas oo khasaarihii ka dhashay aysan beeraleyda degmadu weli ka soo waaqsan.

Wuxuuna wasaaradaha beeraha ee Koonfur Galbeed iyo heer fadaraalba ku dhaliilay in ka gaabiyeen cayminta beeraleyda mooska oo lafdhabar u ah dhaqaalaha degmada, gobolka iyo dalkaba.

Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in deegaanka uu ka jiro cudurka shubanka oo illaa hadda salfaday nolosha 16 ruux, kaas oo loo aaneeyey daruufaha ka dhashay El Nino oo abuurtay xaalad nadaafad darro.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {30-04-2024}

Talaado-30-April -2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii :Mohamed Baryare...

{DAAWO MUQAALKA} Taliye Sulub ‘Miino Baaristu waa Ciidan ka hortagi kara Qatar kasta oo bulshada kusoo wajahan’

Talaado-30-April -2024 {HMC} Taliye Sulub 'Miino Baaristu waa Ciidan ka hortagi kara Qatar kasta oo bulshada kusoo wajahan' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/hFgg5FipZqM

WARARKA