Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxaa Ka Soo Cusboonaaday IRAN iyo ISRAEL?

Khamiis -18-April-2024 {HMC}  Kaddib markii uu la kulmay wasiirrada arrimaha dibadda Ingiriiska iyo Jarmalka, ayuu ra’iisul wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu shalay ka shan-qariyay in Israel ay iyadu qaadan doonto go’aannadeeda ku aadan sida ay isu difaaceyso.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xilli dalalka reer galbeedka gaar ahaan kuwa xulufada la ah Isra’iil ay ku cadaadinayaan xukumadda Telaviv in ay is xakameyso oo aysan ka jawaabin weerarki ay dhawaan kala kulantay Iran.

Mareykanka Midowga Yurub iyo dalalka warshadaha ku horumaray ee G-7 ayaa dhammaantood dhawaaqay qorshayaal ay ku saarayaan cuna-qabateyn hor leh. Arrintaasi ayaa loo arkaa mid ay reer Galbeedka ku direen farriin ah in Isra’il aysan ka aar-gudan Iran.

Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay inuu uga mahadceliyay wasiirka arrimaha dibadda Jamralka Annalena Baerbock iyo dhiggeeda Ingiriiska David Cameron taageerada ay u muujiyeen, balse uu u caddeeyay in Israil ay iyadu qaadaneyso go’aannada ay isku difaaceyso.

Dhanka kale, ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa Arbacadi sheegay in uu gantaallo ku weeraray saldhig millatari oo ku yaalla waqooyiga Israil. Milatariga Isra’il ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen 14 askari.

Xisbulah waxay weerarkaasi ku sheegtay mid ay ugu aargudeysay duqeyn ay diyaaradaha Israil ku bartilmaameedsadeen xubno ka tirsan Xisbulah.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA