Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka Danab oo Howlgalo Ku Dilay xubno ka tirsan AS

Jimco -19-April-2024 {HMC} – Cidanka kumaandooska Danab, ururka 162aad iyo Ciidanka nabad sugida Jubbaland Guutada Gurmad Qaran ayaa al shabaab kula dagaalamay maanta nawaaxiga degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose.

Goobaha la isku fara saaray waxaa ka mid ah degaanada ku teedsan Webiga Jubba, sida Jiimay, Bangeeni iyo Bandar jadiid oo dhammaantood dhaca Gaddiga kale ee Webiga Jubba.

Howlgalkan ayaa al shabaab lagu gaarsiiyay qasaare lixaad leh iyadoo laga laayay 23 dagaalyahan oo isugu jira saraakiil iyo maleeshiyaad, iyadoo maxaabiis dhaawac ah iyo kuwa kalena gacanta looga dhigay sida ay sheegeen saraakiisha Jubbaland.

“Howlgalkan ayaana wali socdaa oo lagu baacsanayaa kooxaha nabadiidka ah” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada howlgalkaas hogaaminaya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA