Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dawladda Turkiga oo ku dhawaaqday Waqtiga ay Soomaaliya ka bilaaweyso Shidaal qodista

JImco -19-April-2024 {HMC}  Dawladda Turkiga ayaa markii u horreysay muddeysay xilliga ay billaabayso qodiska shidaalka Soomaaliya , kaddib heshiis ay labada dal gaareen bilowgii bishii saddexaad ee sannadkan.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga,Alparslan Bayraktar ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in Turkiga uu ka billaabayo howlo shidaal baaris ah badda Soomaaliya, isagoo caddeeyay qorshaha qodista shidaalka badda inay billaabanayso sannadka 2025.

 

Heshiiska labada dal ayaa waxaa qayb ka ah baarista, ka faa’iidaysiga, horumarinta iyo soo saarista shidaalka Bariga iyo xeebaha Soomaaliya.

 

Wasiir Bayraktar ayaa soo bandhigay waqti cad, isagoo yiri; “Waxaa jirta meel ku taal badda Soomaaliya oo aan u aragno inuu ku jiro kayd shidaal, waxaan billaabi doonnaa shaqada, waxaan rabnaa inaan sameyno qodista badda qoto dheer sannadka 2025.”

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA