Thursday, May 2, 2024
spot_imgspot_img

Muxuu salka ku hayaa khilaafka ka taagan dhulka xaruntii dab damiska ee Muqdisho?

Jimco -19-April-2024 {HMC} –  Dood weyn ayaa ka taagan dhulka xaruntii ciidanka dabdamiska ee magaalada Muqdisho. Xaruntan muddo 30 sano ka badan waxaa deggan dad shacab ah.

 

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya bishii 25-tii bishii 11aad ee 2023 ayaa lagu sheegay in dadka deggan dhulka ciidanka dab-damiska ee magaalada Muqdisho ay isaga guuraan.

 

Ogeysiiska kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay xilligaas in baahi weyn loo qabo xarunta dab-damiska, Booliska qataraha dababka soo noqnoqday ee magaalada Muqdisho mararka kala duwan ka dhacay kuwaas oo galaaftay dad iyo duunyaba.

 

Dadka deggan goobta dab-damiska ayaa loo qabtay muddo 2 bilood ah xilligaas oo ku ekayd sida warbxinta ku xusnayd 25-tii bishii Janaayo ee sanadkaan. Waxaa sidoo kale ogeysiiskaas la raaciyay digniin ah in cidii amarkaas u hoggaansami wayda talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

 

Dhulkan ayaa dadka deggan ay sameeyeen bannaanbax ay kaga soo horjeedaan, shaqaaqo ayaana ka dhacday sababtay dhimasho iyo dhaawac, amarkaas ka soo baxay booliiska Soomaaliyana ayaana noqonin mid hirgala.

 

Madaxweynahii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)
Mar labaad 1-dii bisha Febraayo sanadkaan Booliiska Soomaaliya ayuu boolisku ku celiyay in dhulkaas laga guuro go’aankan ayanase noqonin mid isna midho dhala.

Waxaase ka dhashay falcelin xoogan oo ku aadan arrintaan iyadoo dadyowga deggan halkaasna qaar kamida ay dowladda ka codsadeen in haddii dhulka ayka rarayso ay meel kale dejiso.

Dadka sida adag ugasoo horjeedsaday in dadka laga raro xerada dab-damiska Ciidanka Booliiska waxaa kamidda ah madaxweynahii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), waxuuna sheegay in ayna xaq ahayn in qof mudo badan meel uu deganaa ayna ahayn in inta cagaf la geliyo laga kiciyo.

 

“Ugu yaraan sodon sanno ayay meesha degganayaan [dadkani] xaqna ma’aha caqlina ma’aha adduunkana meel ay ka dhacdo ma jirto qof meel uu degganaa 10, 20, 30 sanno inta cagaf la geliyo laga kiciyo.” Ayuu yidhi Madaxweyne hore Axmed Ducaale Xaaf oo war saxaafadeed qabtay bilowga bishii Febraayo.

 

Mar saddexaad ayuu Booliiska Soomaaliya war saxaafadeed ka soo saaray arrintaan iyada oo dadka lagu amraayo in ay isaga guuraan Xaruntii hore ee dab-damiska ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Labadii jeer ee hore ayaan baaqii kasoo baxay booliiska cidi dhagna jalaq u siin, waxayna dadku ku adkaysteen in ay kusii negaadaan dhulkii ay sannado badan ku noolaayeen.

 

Arrintaan ayaa hadal hayn kale oo ballaadhan dhalisay haddana dadka deggan halkaas ayaa saxaafadda la hadlay iyaga oo sheegay in ayna ka guureyn halkaas, dadka ka hadlay markaan waxaa kamida Generaal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde).

 

Waxuu sheegay indhacadde in ay tahay in madaxdu ixtiraamto dadka shacabka ah ay u adeegto waxaa kale oo uu sheegay in dhulkii dowladda oo dhami maqanyahay waxuuna sheegay in dhulkii dowladdu haddeer keliya noqday isuguna soo ururay xamar oo kali ah.

“In inta deggan gobolka Benaadir, keligood la beegsado oo dowladnimada iyaga lagu fuliyo cadaalad ma’aha”

Waxuu kale oo sheegay indhacadde in haddii ay tahay in meesha dowladdu ay ka maarmi wayday in dadka meel kale la dejiyo, dadka meesha deggana ayna ahayn qashin la daadinaayo ee ay yahiin muwaadiniin xuquuq leh.

 

Duqii hore ee magaalada Muqdisho Taabit Cabdi ayaa qoraal kooban oo uu barta Facebook ku dabaacay ku sheegay in dowladdu dadka shacabka ah ee meesha haddeer deggan kusii deegaamayso haddii ayna taas samayn Karin oo ay ka raraysana ay siiso dadka magdhow si’ayna magaaladoodii ayna la barakiciyeyaal ugu dhex noqonin.

 

Xildhibaannada beesha ay ka dhasheen dadka halkaa ku nool ayaa iyaguna gaashaanka u daruuray amarka booliska.

 

Seddex arrimood middood ayaa la filin karaa onay arrintan kh dhamaato, in xilliga loo dheereeyo dadkaas si ay u guuraan, in boolisku talaabo qaado, ama in boolisku u tanaasulo. Seddexdaas midka ay noqonaysana waxaa la kala ogaan doonaa marka ay dhamaato muddada loo qabtay in looga guuro oo ku aaddan 20 Abriil.

{DAAWO MUQAALKA} Dibed-baxyada lagu taageerayo Falastiin oo ku sii xoogeysanaya Mareykanka.

Khamiis 2, May 2024 {HMC} Dibed-baxyada lagu taageerayo Falastiin oo ku sii xoogeysanaya Mareykanka. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/OwjiNkjZMR0

{DAAWO MUQAALKA} Maxkamada Dambiyada Caalamka oo Dalbatay in lasoo xero madaxda Israa’iil.

Khamiis 2, May 2024 {HMC}  Maxkamada Dambiyada Caalamka oo Dalbatay in lasoo xero madaxda Israa'iil. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/Lj_pNRAlNKc

WARARKA