Friday, May 3, 2024
spot_imgspot_img

Qaramada Midoobay oo ku baaqday in magdhaw la siiyo dadka la addoonsaday

Sabti -20-April-2024 {HMC} Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Volker Türk ayaa ku baaqay in waddamada ku lugta lahaa ay qaadaan tillaabooyin la taaban karo oo magdhow lagu diinayo, dadka asal ahaan ka soo jeeda Afrika ee la addoonsaday ama addoonsi ahaan looga ganacsaday.

Hadalkaan ayuu Jimcihi ka sheegay, gaba gabadi kulan afar maalin xarunta Qaramada Midoobay uga socday Madasha Joogtada ah ee Qaramada Midoobay ee Dadka Afrikaanka ah ee loo soo gaabiyo (PFPAD).

Volker, ayaa codkiisa ku biiray baaqyo iyo cadaadis isa soo taraya oo loogu baaqayo dalalki reer Yurub ee addoonsi ahaan uga ganacsaday dadka madow ee asal ahaan kasoo jeeday Africa, kuwaas oo loo iib geeyay meelo badan oo dunida ah.

Taageerada loo hayo baaqyada magdhawga arrintaan ayaa kusii xoogeysanaya dalalka Africa iyo kuwa kariibiyaanka, kuwaas oo riixaya in Qaramada Midoobay ay dhisto maxkamad arrintan u gar-qaadda si lacago magdhaw ah ama baddal kale loo siiyo awlaadda dadki laga soo ganacsadat ee madoobaa.

“Waxaan idinkula biirayaa dalabkiinna aad ficilka ku rabtaan hadda, magdhawga waa inaan waa cusub galnaa ugu danbeyntii. Dowladuhu waa in ay sare kacaan si ay u muujiyaan hoggaan dhab ah iyo ballan qaad la taaban karo una gudbaan ficil si loo xalliyo qaladaadki lasoo dhaafay,” sidaa waxaa yiri Madaxa Guddiga Saree e Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay.

Lama oga sida loo bixi doono magdhaw, iyo in dalalka reer Yurub ee arrintaasi ku lugta lahaa ay aqbali doonaan.

Holland ayaa raalli gelin ka bixisay doorki ay ku laheyd ka ganacsidi dadki la addoonsaday ee Africa, isla markaana ballan qaadday in ay bixin doono 200 oo milyan oo yuro oo magdhaw ah.

Ingiriiska, wuxuu sheegay inuu qirayo doorki ay ku lahaayeen ka ganacsiga dadki la addoonsaday, balse uusan qorshaha ugu jirin inuu magdhaw bixiyo.

{DAAWO MUQAALKA} Qoryahooda ayay qaateen dadka deegaanka LABI-CARAG ee duleedka Guriceel si ay ula Dagaalamaan AS.

Jimco-02-may -2024 {HMC} Qoryahooda ayay qaateen dadka deegaanka LABI-CARAG ee duleedka Guriceel si ay ula Dagaalamaan AS. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/SYmz8JvO_vI

{DAAWO MUQAALKA} Safiirka Soomaaliya eeTurkiga oo booqday xabsiyadda ku yaala magaalada Ankara oo ay ku jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed.

Jimco-02-may -2024 {HMC} Safiirka Soomaaliya eeTurkiga oo booqday xabsiyadda ku yaala magaalada Ankara oo ay ku jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/VPqOi8mSIJQ

WARARKA