Friday, May 3, 2024
spot_imgspot_img

Qoor Qoor oo ku guuleystay baajinta dagaalkii maantan ee Seybiyaano.

Sabti -20-April-2024 {HMC} Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa galabta la kulmay odayaashii ka hor yimid amarka dowladda ee diiday inay ka guuraan dhulka dabdemiska ee ku yaalla degmada Hodan.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in berri aan la kici doonin dadka degan dhulka dabdamiska, isagoo sheegay inuu la hadlay Booliska iyo Masuuliyiinta wasaaradda Amniga XFS.

“Dhulka Dowladda ayaa leh,Dowladda dadka dagan baa leh, Madaxda qaranka iyo Booliska waan kala hadleynaa berrina arrinta waa la joojinaa, is dejiya, iskana soo xula guddi aad ku kalsoontihiin,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadkaan aysan xaq u laheyn in la dhaho iska guura, isla markaana arrintaan uu kala hadli doono madaxda ugu sareysa dalka.

Qoor Qoor ayaa duray dad uu sheegay in dano gaar ah oo dhaqaale ay ka dhex raadinayaan arrinta dhulka dabdemiska, isagoo yiri “iimaanka allaha u soo celiyo ayaan leenahay dadkaas” inkastoo uusan xusin magacyada dad gaar ah.

“Berri waa sii deganaa doontaan halkaan cid idiin imaaneysana ma jirto anigaa la hadlaya booliska iyo hey’adaha kale ee amniga sida wasaaradda amniga, marka is dejiya, cid awood inku rari karta ma jirtee,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa qoysaska degan dhulka dabdemiska ka dalbaday inay soo xulaan guddi lagala xaajoodo arrintaan oo taladu ay ka go’do, maadaama kiiskaan ay u gudbinayaan madaxda ugu sareysa dalka.

Sabtiga Berri ayuu Booliska Soomaaliya dalbaday inay qoysaska degan ka guuraan dhulkii dabdemiska ciidanka booliska oo ku yaalla xaafadda Seybiyaano, balse dadka degan ayaa ka biyo diiday amarkaas.

{DAAWO MUQAALKA} Qoryahooda ayay qaateen dadka deegaanka LABI-CARAG ee duleedka Guriceel si ay ula Dagaalamaan AS.

Jimco-02-may -2024 {HMC} Qoryahooda ayay qaateen dadka deegaanka LABI-CARAG ee duleedka Guriceel si ay ula Dagaalamaan AS. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/SYmz8JvO_vI

{DAAWO MUQAALKA} Safiirka Soomaaliya eeTurkiga oo booqday xabsiyadda ku yaala magaalada Ankara oo ay ku jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed.

Jimco-02-may -2024 {HMC} Safiirka Soomaaliya eeTurkiga oo booqday xabsiyadda ku yaala magaalada Ankara oo ay ku jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/VPqOi8mSIJQ

WARARKA