Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Shirkii Madaxweyne Xasan Sheekh uu isugu yeeray Madaxda maamul goboleedyada dalka oo baaqday

Sabti -20-April-2024 {HMC} Shirkii golaha wadatashiga qaranka ee uu dhawaan iclaamiyay madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxanuud oo lagu waday in berito uu ka furmo Muqdisho ayaa la sheegay inuu u baaqday sababo farsamo awgood.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka ayaa lagu shaaciyay in shirka golaha wadatashiga qaran uu u baaqday cilado farsamo, islamarkaana dib loo dhigay mudo kooban.

 

Baaqashada shirka golaha wadatashiga qaran ayaa warar hoose oo soo baxaya waxay sheegayaan iney la xariirto mad madow iyo kala shaki soo kala dhex galay madaxda qaar ka mid ah dowlad goboleedyadii xiriirka dhow la lahaa dowladda Federaalka.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa xusid mudan in Madaxweynaha maamulka Puntland oo ka mid aha madaxda lagu casuumay shirkaan baaqday inuu horey u sheegay inuusan ka qeyb gali doonin shirka golaha wadatashiga oo ugu dambeyn Caawa Xukuumadda Fedaraalka ay shaacisay inuu u baaqday cilado faraamo awgood.

HOOS KA AQRISO SABABTA UBAAQDAY

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA