Friday, May 3, 2024
spot_imgspot_img

Soomaaliya oo mar kale diidday in ay wadahadal la furto Itoobiya

Sabti-20-April-2024 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa meesha ka saartay in Itoobiya ay wadahadal la gasho ilaa Addis Ababa ay “waxba kama jiraan” kasoo qaadeyso heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la gashay Somaliland, sida lagu shegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

“Soomaaliya waxaa ka go’an inay taageerto nabadda iyo amniga gobolka, waxayna aad u dooneysaa inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay G7 iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo barwaaqo ka dhalata Geeska Afrika” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Soomaaliya.

Hadalka dowladda Soomaaliaya ayaa daba socday bayaan ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka G7 ee kala ah, Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK, iyo Maraykankahoray u kuwaas oowalaac ka muujisay heshiiska is-afgaradka ah, waxayna ugu baaqday Itoobiya iyo Soomaaliya inay furnaadaan dhammaan waddooyinka wadahadallada.

War-saxaafadeedka Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Wadahadallada Itoobiya waa kuwo aan la gaari karin, haddii aanay meesha ka saarin heshiiskii sharci-darrada ahaa ee is-afgaradka ahaa ee ay la galeen gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) oo ay muujinayso ixtiraam buuxa oo ay u hayaan midnimada, madaxbannaanida Soomaaliya iyo mabda’a ah in aan la faragelin.”

{DAAWO MUQAALKA}SoDMA oo 300 oo qoys gargaar ugu qeybisay dad danyar ah duleedka Gaalkacyo.

Jimco-02-may -2024 {HMC} SoDMA oo 300 oo qoys gargaar ugu qeybisay dad danyar ah duleedka Gaalkacyo. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/HRWBoJQocik

Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn {03/05/2024}

Jimco-03-may -2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;yasiin ali ahmed Farsamadii :Abdirahman...

WARARKA