Friday, May 3, 2024
spot_imgspot_img

Waa kuma taliyaha ay ciidamadiisu ka howl galaan Soomaaliya ee Kenya ay u baroordiiqeyso?

Sabti -20-April-2024 {HMC} Geerida Taliyihii Ciidamada Kenya Jeneral Francis Ogolla ayaa noqotay mid ay Kenyanku ka argagaxeen kadib markii Madaxweyne William Ruto uu Khamiistii ku dhawaaqay warka murugada leh.

Ogolla ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Kaben oo ah bariga Marakwet Khamiistii.

Ogolla ayaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidamada Difaaca kadib isku shaandheyn lagu sameeyay Ciidanka Abriil 2023-kii.

Waxa uu xilka kala wareegay General Robert Kibochi oo ka tagay markii uu 62 jirsaday.

Ka hor inta aan la magacaabin, General Ogolla waxa uu ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Difaaca.

Xirfaddiisa ciidan

28-kii Abriil 2023-kii, madaxweyne William Ruto ayaa u dallacsiiyay Sarreeye Guud Francis Omondi Ogolla darajada Jeneraal wuxuuna u magacaabay taliyaha ciidamada qalabka sida ee Kenya.

General Francis Omondi Ogolla waxa uu ku biiray Ciidanka Difaaca Kenya 24-kii Abril 1984-tii, waxaana loo magacaabay Gaashaanle Sare 6-dii May 1985-kii waxaana loo diray Ciidanka Cirka ee Kenya. Waxa uu tababar duuliyenimo ah ka qaatay difaaca cirka ee Mareykan ee USAF iyo macallin duuliyenimo oo ciidanka cirka Kenya ah.

Waxa uu sidoo kale qaatay tabobarro kale oo ay ka mid yihiin sawirrada sirdoonka, la dagaallanka argagixisada iyo baaritaanka shilalka.

General Francis O Ogolla waxaa uu ka qalin jebiyey EcoleMilitaire de Paris iyo Akadeemiyada Difaaca Qaranka Kenya. Waxa uu Shahaadada Diploma ee Daraasaadka Caalamiga ah iyo Cilmiga Millateriga ka qaatay Jaamacadda Egerton, Bachelor of Arts in Political Science, Armed Conflict and Peace Studies (Shahaadda Koowaad) iyo Master of Arts in International Studies oo uu ka qaatay Kulliyadda Nairobi.

Waxa uu darajadaasi ka gaaray Sarreeye Gaas, waxaana 15-kii July 2018-kii loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Cirka Kenya, isagoo xilkaasi hayay muddo saddex sano ah. Waxa uu hore u soo qabtay xilal kala duwan oo isugu jira Tababare, Talisyo iyo Shaqaale ay ka mid yihiin Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Cirka ee Kenya, Taliyaha Saldhigga Ciidanka Cirka ee Laikipia, Sarkaalka Sare ee Garabka Dagaalka, Macallinka Duulimaadyada ee Dugsiga Tababarka Duulista Hawada ee Ciidanka Cirka Kenya iyo Madaxa Xafiiska Hawlgalka Ciidanka Cirka ee Kenya.

Waxa kale oo uu ka soo shaqeeyay Kormeere iyo Sarkaalka Warfaafinta Milliteriga laga bilaabo 1992-dii ilaa 1993-dii, isagoo ah guddoomiyaha Isbahaysiga Militariga Masiixiga 1994-tii ilaa 2004-tii iyo guddoomiyaha Ururka Madaxda Ciidamada Cirka ee Afrika intii u dhaxaysay 2018-2019-kii.

Wuxuu lahaa xaas lagu magacaabo Aileen, waxayna haystaan laba carruur ah iyo mid ay awoowe u yihiin. Wuxuu jeclaa inuu wax akhriyo oo ciyaaro ciyaarta loo yaqaanno golf-ka.

Wasiirka Gaashaandhiga Aadan Ducaale iyo Taliyaha General Francis Ogolla ayaa mar booqday ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Booqashadan ayaa ujeedadeedu ahayd sare u qaadida niyada askarta iyo mahadnaqa dadaalka wanaagsan ee ay ugu jiraan ka qayb qaadashada nabadda, amniga iyo xasiloonida Geeska Afrika sida ay wasaaraddu sheegtay.

Intii ay ku guda jireen kormeerka CS iyo CDF waxay la kulmeen Madaxweyne ku xigeenka labaad, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) oo warbixin dheer ka jeediyay xaaladda amni ee Jubaland

Waxay caddeeyeen in ciidamada difaaca Kenya ay ka go’an tahay in ay gaarto waajibaadka ATMIS ee ah in ay taageerto Geedi-socodka Nabadda ee ay Soomaalidu hoggaamiso, iyaga oo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya oo nabad ah ay tallaabo weyn u tahay gobol nabdoon si loo gaaro kobac dhaqan mid dhaqaale iyo mid barwaaqo.

CDF ama Chief of Staff waa sarkaalka ugu sareeya ee ciidamada difaaca Kenya iyo madaxa lataliyaha ciidamada ee Madaxweynaha Kenya iyo Golaha Amniga Qaranka.

Madaxweyne William Ruto ayaa sharaxaad ka bixiyay sababaha uu Ogolla ugu magacaabay taliyaha ciidamada difaaca CDF.

Sida uu sheegay Ruto, waayo-aragnimada Ogolla ee ka badan 39-ka sano ayaa keentay in loo dalacsiiyo xafiiska ugu sarreeya ee ciidamada dalka si uu u beddelo Robert Kibochi oo shaqada ka fariistay.

“Aniga oo tixgelinaya magacaabistaada, waxaan qiimeeyay taariikhdaada, halka aad ka timid, waxa aad qabatay, iyo socdaalkaaga ciidan, waxaana ku qanacsanahay inaad u qalanto,” ayuu xilligaas yiri Ruto.

“Baaqeyga cad waa hal ciidan, hal howlgal, waxaan noqon doonnaa hal ciidan oo ku mideysan hal hadaf si aan u difaacno difaac iyo daacadnimo aan ku sii jirno hal-ku-dhiggeena Difaaca Mar walba,” ayuu yiri Ogolla markii la dhaariyay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay inuu sii wadi doono wada shaqeyn dhow oo uu la leeyahay hay’adaha kale ee amniga.

{DAAWO MUQAALKA} Qoryahooda ayay qaateen dadka deegaanka LABI-CARAG ee duleedka Guriceel si ay ula Dagaalamaan AS.

Jimco-02-may -2024 {HMC} Qoryahooda ayay qaateen dadka deegaanka LABI-CARAG ee duleedka Guriceel si ay ula Dagaalamaan AS. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/SYmz8JvO_vI

{DAAWO MUQAALKA} Safiirka Soomaaliya eeTurkiga oo booqday xabsiyadda ku yaala magaalada Ankara oo ay ku jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed.

Jimco-02-may -2024 {HMC} Safiirka Soomaaliya eeTurkiga oo booqday xabsiyadda ku yaala magaalada Ankara oo ay ku jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/VPqOi8mSIJQ

WARARKA