Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wajiga koowaad ee doorashada Hinida oo soo xirantay

Sabti -20-April-2024 {HMC} Malaayiin Hindi ah ayaa Jimcihi shalay codkooda ka dhiibatay, wajiga koowaad ee doorashada baarlamaaniga ah ee Hindiya oo ah tan ugu ballaaran ee guud ahaan caalamka.

Ilaa 166 milyan oo ruux ayaa la sheegay in ay ka codeeyeen 21 gobol oo ku yaalla waqooyi bari ilaa koofurta, kuwaas oo ay ka sharaxanyihiin 102 mudane.

Ka hor inta aysan xirmin goobaha codbixinta Jimcihii, guddiga doorashada ayaa sheegay in tirada codbixiyeyaashu ay u dhexeysay 40 boqolkiiba gobolka ballaaran ee waqooyiga ee Bihar, halka gobolka yare e Tripura ee dhaca waqooyibari ay dadka u soo baxay gaareen ilaa 68 boqolkiiba.

Doorashadan ayaa loo arkaa mid afti u ah Ra’isulwasaaraha Hindiya Narendra Modi, oo doonaya in markiisii saddexaad uu ku guuleysto doorashada. Hase yeeshee xisbigiisa Bharatiya Janata Party (BJP) ayaa loolan adag la gali doona in ka badan 12 xisbi oo isu tagay kuwaas oo wacad ku maray in ay badbaadin doonaan hey’adaha dimoqraadiga ee Hindia.

Saadaasha ayaa muujineysa in xisbiga BJP uu si fudud ugu guuleysan doono doorashada, waloow aysan dadka ku qanacsaneyn heerka shaqa la’aanta oo aad u sarreysa, cabburinta iyo gacanta adag ee ay dowladdiisu kula dhaqantay dadka laga tirada badanyahay, gaar ahaan Muslimiinta.

Modi oo ah hogaamiye qowmi ah, ayaa muddadi uu xafiiska joogay 10-ki sano ee lasoo dhaafay sumcad ku helay, sare u qaadidda siyaasad ku dhisan wadaniyad salkeedu yahay diinta Hinduuga.

Haddii Modi uu guuleysto, waxa uu noqon doonaa ra’isulwasaarihi labaad ee saddex jeer hogaamiyo Hindia, ka dib Jawaharlal Nehru, oo ahaa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee dalkaasi.

Wajiga labaad ee doorashada maaraddoonka ah ee Hindiya, ayaa lagu wadaa in la qabto 26-ka April, markaas oo 13 gobol laga soo doora doono 89 xildhibaan.
Wajiga ugu danbeeya ayaa dhici doona 1-da June, waxana lasoo dooran doonaa 57 mudane oo ka tartameysa ilaa 8 gobol.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Khadiija ”Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Wasiir Khadiija ''Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA