Thursday, May 30, 2024
spot_imgspot_img

WAR DEG DEG AH: Israa’iil iyo Mareykanka oo iska fogaysay weerarkii Lagu qaaday saldhigga ciidanka Ciraaq

Saturday-20-April-2024 {HMC} Israa’iil ayaa iska fogaysay inay wax lug ah ku leedahay weerarka lagu duqeeyay saldhigga ciidanka abaabulka caanka ah ee loogu yeero PMF ee Dalka Ciraaq oo ku yaalla koonfurta Baqdaad, sida ay sheegtay CNN.

 

Si doo kale Dowladda Mareykanka ayaa dhankiisa iska fogeeyay inuu fuliyay weerarka lagu duqeeyay saldhigga ciidanka abaabulka ee ku yaalo ee gobolka Babylon. Dalka Ciraaq.

Gilinkii hore ee shalay ayaa waxaa mar qura la maqlay Qaraxyo dab xooggan ka kiciyay saldhigga ugu weyn ee ciidanka abaabulka Ciraaq ee loogu yeero PMF kaa oo ku yaalla koonfurta magaalada Baqdaad ee Dalka Ciraaq.

 

Ma cadda illaa hadda waxa ay ka dhasheen qaraxyada iyo haddii ay diyaaraddo duqeeyeen saldhigga Ciidamada Ciraaq sida ay baahisay Wakaalada wararka ee Reuters.

 

 

 

{DAAWO MUUQAALKA} Howlgalladii ugu dambeeyey ee dagaalka AS iyo warbixin laga soo saaray

Khamiis 30, May 20224 {HMC} Howlgalladii ugu dambeeyey ee dagaalka AS iyo warbixin laga soo saaray HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/M1IqS2qGhMs

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose oo gaaray Baydhabo iyo masuuliyiin ka hadlay

Khamiis 30, May 20224 {HMC} Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose oo gaaray Baydhabo iyo masuuliyiin ka hadlay HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/aw7kerrR61s

WARARKA