Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Daacish Oo Sheegtay Iney Dishay 50 Shabaab Ah

Axad-21-April-2024 {HMC}  War lagu baahiyay majalada caalamiga ah ee Al_Naba ee ka faaloota howlgallada Daacish, ayaa lagu faah faahiyay howlgal ay kooxda ku beegsatay kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ka dhacay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee maamulka Puntland ayey kooxda ku sheegatay iney ku dishay inkabadan 50 Shabaab ah.

“Ciidamo ka tirsan kuwa khaliifada ayaa ku sugan mid ka mid ah goobaha ay maamulayeen maleyshiyaadka Shabaab, halkaas oo ay wadaan ololaha ka dhanka ah maleeshiyaatka Murtadiinta ah ee Shabaab.” Ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay kooxda Daacish.

Daacish ayaa sidoo kale tilmaamtay iney la wareegtay deegaanadii lagu dagaalamay, waxeyna shaacisay in howlgaladan ay fulisay bishii Ramadaan ee la soo dhaafay.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA