{DAAWO SAWIRADA} Horjoogayaal K a Tirsanaa AS oo Doowlada Isku Dhiibay

0
58

Axad-21-April-2024 {HMC} Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka ka tirsan AS ee isku soo dhiibaya dowladda ayaa aad u batay maalmahan, kuwaas oo sheegay inay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka nololeed ee duurka ku heysta AS iyo baacsiga ay kala kulmayaan ciidamada qaranka iyo shacabka xaq u dirirka ah ee hubkooda qaatay.

Deegaannada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxaa maalmihii lasoo dhaafay iska soo dhiibay tobanaan dhalinyaro ah oo sheegay inay ka soo hareen fikirkii  AS, kuwaas oo soo dhaweyn wanaagsan iyo nidaam loogu talagalay kala kulmay dowladda.

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabka xaq u dirirka ah ee hubkooda qaatay si ay isaga xoreeyaan AS ayaa maalmahaan kordhiyey howlgallada ka socda deegaanada fog-fog ee gobollada dalka, taas oo AS ku abuurtay cabsi badan, geeri joogto ah iyo nolosha duurka oo ku adkaatay.

437099360 914618554038085 64376910138879306 n 437146148 914618507371423 8839266881793691013 n 437941594 914618597371414 1970359131067069849 n 437934193 914618657371408 3135226246357819738 n 438742856 914618474038093 668154022390115023 n 437947630 914618464038094 1465578828038346700 n 438707530 914618620704745 1347661577904129180 n 439815565 914618510704756 1768120701184498643 n 437095418 914618494038091 6056530075359838200 n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here