Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Eedeysane Sayid Cali “Waa leygu xadgudbay oo waxaa leeygu tilmaamay dilaa gubay xaaskiisa”

Axad-21-April-2024 {HMC} Eedeysane Sayid Cali Macallin Daauud oo racfaan ka qaatay xukunkii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku ridday lixdii Maarso sanadkaan ayay Maxkamaddu racfaanku waydiisay sababta uu u diiday xukunkii ay ku ridday Maxkamadda derajada 1aad ee Gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay in uusan ku qancin xukunkaan isla markaana lagu ‘been abuurtay’ sidaas awgeed uu qaatay go’aanka daba-socday xukunka oo ahaa in uu racfaan ka qaadan karo haddii uusan ku qancin xukunkaas.

Sidoo kale Sayid Cali oo su’aalo la waydiiyay ayaa dul istaagay sida uu kiiska ku dhacay isaga oo fadhiga maxkamadda kahor sheegay in uu ahaa ‘badbaadiyaha’ marwadiisa oo u dhimatay dhaawac kasoo gaaray dab uu qabadsiiyay guriga.

“Sababta aan xukunka racfaanka ugu qaatay waa in la igu xad-gudbay oo la igu tilmaamay dilaa xaaskiisa dilay, ma jiro Nin Xaaskiisa iyo carruurtiisa dilaayo, waxaa la igu magacaabay qof dilaa ah oo dambigaas ma gaysan waxaana halkaan u imid in aan caddaalad helo” Ayuu yiri eedeysane Sayid Cali Macallin Daauud.

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Soomaaliya oo Xabsiga dhigay Dhalinyaro Caan ka ah Baraha Bulshada.

Axad 19 May 2024 {HMC} Howgal qaatay muddo 24 saac ah ayeey Ciidanka Boliiska Qeybta Guud kusoo qaqabteen dhalinyaro tiradoodu gaareyso 21 ruux kuwaas...

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

WARARKA