Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxkamada Ciidamada oo Xukunka Ku Riday Koox ay ku jirto haweynay

Axad-21-April-2024 {HMC}  Kormeere Labaad Asluub Nuur Iidle Salaad, Dable Xoogga Cabdisalaam Arwaax Shariif, Dable Xoogga Maxamed Nuur Axmed iyo Nimco Maxamuud Cali, ayaa si wadajir ah lagu soo eedeeyey fal burcadnimo hubeysan ah iyo Isticmaalka Qamri.

Afartaan Eedeysane oo watay gaari, ayaa dhac u geystay dad shacab ah oo gaaraya Afar iyo Toban Qof, kuwaasi oo ku sugnaa degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.

Eedaysane Nimco Maxamuud ayaa laheyd doorka qarinta agabyadii la soo dhacay, iyaddoo saarneyd qeybta hore ee gaariga, si loo marin habaabiyo ciidanka amniga.

Eedeysaneyaasha ayaa Cabsanaa Qamri xilligii ay dhaca geysanayeen, waxaana ay isku soo mareen dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Gaarigii ay wateen oo ka halaabay, ayaa iyaggoo ku sameynaya garaasha ku yaalla degmadda Hodan waxaa kasoo qabtay Ciidanka ammaanka, taariikhdu markii ay aheyd Tobanka bisha siddeedaad 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Todobada bishii Seddexdaad ee Sanadkaan 2024.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aan ka soo saaray Shanta eedeysane, waxaa lagu kala xukumay.

Ex-Kormeere Labaad Asluub Nuur Iidle Salaad, Ex-Dable Xoogga Cabdisalaan Arwaax Shariif, Ex-Dable Xoogga Maxamed Nuur Axmed ayaa lagu Xukumay min 8 sano oo Xabsi ciidan ah, halka Nimco Maxamuud Cali lagu xukumay 5 sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Madaalle ” Wax la Aqbali Karo maaha waxaa ka Jiro Xamar-Weyne.”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Gudoomiye Madaalle " Wax la Aqbali Karo maaha waxaa ka Jiro Xamar-Weyne." HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Kulan looga hadlayay dagaalka A.S looga sarayo deeganno hoostaga Xarardhere oo lagu qabtay Muqdisho

Sabti 27 July 2024 {HMC} Kulan looga hadlayay dagaalka A.S looga sarayo deeganno hoostaga Xarardhere oo lagu qabtay Muqdisho HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA