Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Musuul Ka Tirsan Wasaarada Batroolka oo Ka HadlayTurkiga oo baaris shidaal ka sameynayo Soomaaliya

Axad-21-April-2024 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqidda Turkiga uu ku dhawaqay inuu baaris shidaal ka sameynayo Soomaaliya sanadka soo socda ee 2025.

Agaasimaha guud ee batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Maxamed Xaashi Carrabey, ayaa sheegay in qorshahaan uu qeyb ka yahay fulinta heshiisa shidaalka baarista ee dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Agaasimaha guud wuxuu sheegay Soomaaliya inay xilligan diyaar u tahay in shidaal laga baaro dhulkeeda, wuxuuna intaas ku daray in rajo aad u weyn laga qabo in markii ugu horraysay shidaal lagasoo saaro Soomaaliya.

Meelaha la doortay in laga bilaabo qodista shidaalka ayuu sheegay inay yihiin magaalooyinka Hobyo iyo Baraawe oo ka kala tirsan gobollada Mudug iyo Shabeellaha Hoose.

“Sababta loo doortay labadan magaalo waa inay yihiin kuwa ugu muhiimsan ee markii baaritaanka la sameynayay la asteeyay.” Ayuu yiri agaasimaha.

Wasiirka tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in badda Soomaaliya ay ku jiraan kayd shidaal, isagoo sheegay in bilaha soo socda ay billaabi doonnaan shaqada samahinta ‘seismic-ka.

Bishii Febraayo, Turkiga waxa uu Soomaaliya la saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah, waxaana uu Soomaaliya siin doonaa taageero dhanka amniga badda ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA