Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Muuse Biixi oo soo saaray Wareegto ku Saabsan Qabsoomida Doorashooyinka

Axad-21-April-2024 {HMC}  Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto Madaxweyne uu maanta soo saaray waxa uu ku cayimaday muddada qabsoomidda doorashooyinka.

Guddiga doorashooyinka maamulka Somaliland ayaa shalay oo Sabti ah ku dhawaaqay jadwalka doorashada madaxtooyada iyo doorashada tooska ah ee xisbiyada ka jira deegaannada maamulka Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Xeer Madaxweyne Lr. 24/042024
Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 6aad, faqraddiisa 2aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr. 91/2023 oo dhigaya in Madaxweynuhu uu 15 maalmood gudahood uu ku soo saarayo digreeto cayimaadda muddada doorashada, ka dib marka uu helo cayimaadda Komishanka Doorashooyinka;

Markaan Helay; Qoraalka summaddiisu tahay Tix: KDG/XK-6/083/2024, kuna taariikhaysan 20/04/2024, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Taariikhda La-qabanayo Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka;

Waxaan Soo-saaray;

In doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka la-wada qabto 13-ka Bisha November ee sannadkan 2024-ka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA