Saturday, May 4, 2024
spot_imgspot_img

Ciyaal weero oo xalay dhimasho iyo dhaawac ka gaystay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir,

Isniin ,22-April-2024 {HMC} Magaalada Muqdisho waxaa mar kale soo rogaal celiyay kooxaha ciyaal weerada ee dhibaatada ku haaya shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir, kuwaas oo bilaabay falal ay ku qalqal-gelinayaan amniga, kuna dhibaateynayaan shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in kooxahan ay dib uga soo cusboonaadeen xaafadaha qaar, waxayna bilaabeyn weeraro ay ku qaadaan dadka rayidka ah.

Falkii ugu dambeeyay oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayay ciyaal weeradu xalay ka gaysteen degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, sida ay innoo xaqijiyeen dadka deegaanka.

Weerar ay qaadeen ciyaal weerada ayaa waxaa lagu beegsaday shacab ku sugnaa waaxda 5-aad ee Kaxda, gaar ahaan halka loo yaqaano Albiri, waxayna gaysteen dil iyo dhaawac.

Ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintay weerarkaas oo ay toorey u adeegsadeen ciyaal weeradu, waxaana ku dhaawacmay mid kale, sida aanu kasoo xiganay ilo wareedyo xilkas ah.

Kooxaha falka gaysatay ayaa lasoo wariyay inay goobta isaga baxsadeen, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Dib usoo laabashada ciyaal weerada ayaa ah xaalad kale oo soo korortay, isla markaana dhibaato ku ah reer Muqdisho, waxaase laga war sugayaan tallaabada xigta ee dowladda.

Horay ciidamada ammaanka ayaa ugu guuleystay inay Muqdisho ka sifeeyaan kooxaha ciyaal weerada oo dhibaato xoogleh ka gaysanayay degmooyinka gobolka Banaadir.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {03-05-2024}

Jimco 3, May 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdirahmaan Osmaan...

{DAAWO MUQAALKA} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya

Jimco-03-may -2024 {HMC} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/IDUbKPEiZN4

WARARKA