Saturday, May 4, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Xarunta socotada ee ciidanka Booliiska oo dhagax-dhigay R W ku xigeenka Soomaaliya

Isniin April 22, 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa dhagax dhigay xarunta laanta socotada ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee kutaalla magaalada Muqdisho.

Munaasabadda dhagax dhiga xaruntan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Amniga Gudaha ee XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil {Fartaag}, taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin iyo Saraakiil Kale.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilmaamay in xaruntan ay ciidanka Booliska Soomaaliyeed u qaban jirtay hawlo muhiim ah oo ay kamid yihiin dhinacyada wacyi galinta, iska warqabka ciidanka, ka hortaga rabshadaha iyo howlagallada deg-deg ah, iyada oo hadana dib u dhis balaadhan lagu samayn doono, si ay kor ugu qaado shaqada Laanta socotada ee Ciidanka Booliska.

Xaruntan maanta la dhagax-dhigay ayaa aheyd goob lagu kala badalo ciidamada booliiska Soomaaliya, xaruntan ayaana ka shaqeyn oo bur bursaneyd sannadihii lasoo dhaafay, waxaana maanta mar kale la dhagax-dhigay dhismaha xaruntan muhiimka u ah booliiska.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {03-05-2024}

Jimco 3, May 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdirahmaan Osmaan...

{DAAWO MUQAALKA} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya

Jimco-03-may -2024 {HMC} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/IDUbKPEiZN4

WARARKA