Friday, May 3, 2024
spot_imgspot_img

Kulamo oo hor dhac u ah Shirka Golaha wadatashiga qaran oo ka socdo Magaalada Muqdisho.

Isniin April 22, 2024 {HMC} Madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo caasimada u yimid shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo dib u dhac ku yimid.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda dowlad-goboleedyada ku casuumay shirkaasi oo qorshuhu ahaa inuu dhaco 20-kii bishaan, balse uu arrimo farsamo u baaqday, sida ay sheegtay Villa Somalia.

Shirkan ayaa waxaa qaadacay hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, halka uu ka maquurtay sida muuqata hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe oo waayahan lasoo warinayay inay kala furteen madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxda dowlad-goboleedyada saddexda ah ee ku sugan Muqdisho ayaa waxaa maanta kulamo gooni-gooni ah la qaatay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh.

Mudane Xoosh ayaa kullamada gaar-gaarka ah ee uu maanta la yeeshay madaxda dowlad-goboleedyada isugu jiray is-xogwareysiga iyo wada-shaqeynta dhinacyada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

“Inta mas’uuliyiintani ay fadhiga lahaayeen arrimaha si horudhac ah looga hadlay waxaa ugu muhiimsanaa; wada-shaqeynta wasaaradda iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, hortabinnada qaranka iyo qaar kale,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda ee kulamadan kasoo saartay.

Kulamada maanta Muqdisho ku dhex-maray wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ahaa mid miro-dhal ah.

Axmed Qoor-Qoor, Cali Guudlaawe iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa weli Muqdisho u jooga qabsoomida shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo uu xafiiska ra’iisul wasaaraha shaaciyay in dib loo dhigay muddo kooban, iyadoo aan la shaacin waqtiga la isugu imaanayo.

Sababta waxaa lagu sheegay in shirkaas uu iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh uu u baaqday arrimo farsamo, balse faah-faahin kale lagama bixin arrimahaas.

{DAAWO MUQAALKA} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya

Jimco-03-may -2024 {HMC} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/IDUbKPEiZN4

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 03-5-2024

Jimco-03-may -2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiraxmaan Macalin  Farsamadii :Abdiqani osoble HOOS...

WARARKA