Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Ku-xigeenka oo warbixin ka dhegeystay Gudiga doorashada Puntland

Isniin April 22, 2024 {HMC} Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyas Osman Lugatoor ayaa kormeer shaqo ku tegey xarunta Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa guddiga ka dhegaystay warbixin ku aadan shaqada socota, hawlihii qabsoomay iyo qorshaha ku aadan doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka haray, isaga oo ku bogaadiyey shaqadii baaxada lahayd ee ay soo qabteen.

Ugu dambayn Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa Guddiga faray in ay dar-dargeliyaan habsami-u-socodka iyo hannaanka daah-furnaanta qabashada doorashooyinka golaha deegaanka ee degmooyinka haray.

Madaxweynaha ayaana uga mahadceliyay shaqada Guddigu hayaan oo uu sheegay iney tahay mid muhimad gaar ah u leh shacabka iyo dowlad goboleedka Puntland

 

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Caasho koos ”Waxaan ku Baaq in la joojiyo Dagaal Beeleedyada”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Caasho koos ''Waxaan ku Baaq in la joojiyo Dagaal Beeleedyada'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Gen Bashiir Ameeriko Ninka uga Sareeya Sirdoonka Ethiopia ku arkay Gudaha Xalane

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Gen Bashiir Ameeriko Ninka uga Sareeya Sirdoonka Ethiopia ku arkay Gudaha Xalane HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA