Saturday, May 4, 2024
spot_imgspot_img

SOOMALILAND oo Dalab culus oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya u gudbisay Deeq bixiyaasha Caalamka.

Isniin ,22-April-2024 {HMC} Waddamada deeq bixiyaasha caalamka ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya usoo marsiisa deeqaha lacageed iyo mashaariicda ay ka fuliyaan dowlad goboleedyada dalka ka jira oo ay ku jirto maamulka Somaliland oo madax-bannaani raadinaya.

Wasiirka Qorsheynta maamulka Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Axmed Toorno) ayaa ka dalbaday waddamada deeq bixiyaasha caalamiga ah in kaalmada ay siiyaan Somaliland si toos ah ugu soo wareejiyaan ayna usoo marsiin meelo kale.

Waxa uu sheegay wasiir Axmed Toorno in maamulka Somaliland uu yahay mid ka madax-bannaan dowladda Soomaaliya, waxa uuna ka dalbaday deeq bixiyaasha in Somaliland toos ugu wareejiyaan kaalmada ay siiyaan ama usoo marsiiyaan hay’ad ama shirkad gaar ah.

‘’Waxaynu ka codsanaynay deeq bixiyayaasha caalamiga ah in deeqda dadka reer Somaliland ay siinayaan in ay si toos ah ugu cawiyaan Somaliland, ama hay’ad calami ah ha u soo mariyaan ama shirkad gaar ah ha u soo mariyaan ama dawladda Somaliland ha ugu dhiibaan ama iyaguba toos ha u fuliyaane, sababta aan sidaas u lahayna waxa weeyaan Soomaaliya iyo Somaliland berigii hore isku wadan bay ahaan jireen, laakiin hadda waa labo wadan oo kala duwan’’ ayuu yiri Wasiir axmed Toorno.

Waddamada deeq bixiyaasha caalamka ayaa u aqoonsan Somaliland maamul hoostaga dowladda Soomaaliya , waxa ayna deeqaha iyo waxyaabaha kale ay ugu talagaleen maamulkaasi soo marsiiyaan dowladda ee xarunteeda tahay Muqdisho.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {03-05-2024}

Jimco 3, May 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdirahmaan Osmaan...

{DAAWO MUQAALKA} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya

Jimco-03-may -2024 {HMC} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/IDUbKPEiZN4

WARARKA