Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Uganda oo sii joogayso Soomaaliya howlgalka ATMIS kadib

Isniin  April 22, 2024 {HMC} Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya, xitaa haddii uu dhammaado howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.

Nathan Mugisha, oo ah ku xigeenka madaxa howlgallada ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya, ayaa sheegay, in ciidamada Uganda ay sii wadi doonaan in ay ka howlgallaan Soomaaliya, taas oo uu xusay in ay qeyb ka tahay soo jeedinta howlgalka ATMIS ka dib.

“Uganda waxay halkan ku sugnaan doontaa qaab kasta oo ay tahay,” sidaas ayuu u sheegay saxafiyiinta, isagoo raaciyay in Golaha Ammaanka ay weydiisteen inay sii joogaan Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay aqbaleen.

Sarkaalkan waxa uua sheegay dhimista tirada ciidamada ATMIS in Al-Shabaab ay ka faaidaysteen oo ay geysteen weeraro ay ku qaadeen saldhigyada Atmis, isagoo sheegay in ay dib u soo ceshadeen dhulkii laga qabsaday.

Taliyaha Uganda ayaa sidoo kale u sheegay Sunday Monitor in xitaa haddii ay dhacdo in UPDF laga saaro ciidamada cusub, ay sii wadi doonto joogitaankeeda Soomaaliya si ay u sugaan agabkooda iyo qalabkooda.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA