Saturday, May 4, 2024
spot_imgspot_img

DF oo shaacisay xilliga rasmiga ah ee la bilaabayo qodista shidaalka Soomaaliya

Talaado-23-April-2024 {HMC} Warbaahinta dawladda Turkiga oo soo xiganaysa wasiirka Tamarta ee dowladda Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegtay toddobaadkan in Turkiga uu sannadka 2025-ka billaabi doono qodista shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay arrintaas isagoo wuxuuna xaqiijiyey in qorshaha qodista shidaalka Soomaaliya uu socdo, sida ay shaacisay dowladda Turkiga.

Wasiirka Cabdirisaaq ayaa faahfaahiyey hanaanka la qorsheeyey in loo maro shidaalka laga qadayo Soomaaliya, isagoo sheegay in dowladda Turkiga ay leedahay bisha la bilaabayo howsha.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay la wadaageen Baloogyada uu ku jiro shidaalka Soomaaliya ee la sahmiyey, isla markaana aysan weli sugayaan go’aankooda iyo goobaha ay codsadaan.

“Soomaaliya, inta ka dhaxeysa Jubaland iyo Galmudug – Hobyo waxaa sahan ka sameeyey labo Company, daatooyinkaas waxay sheegayaan in gaas iyo batrool aad u badan ay ku jiraan dhulka la sahmiyey, Galmudug ayaa ugu badan, wuxuu afar mar ku jumaarmaa batrool qaali ahaa oo hada ka hor laga helay dalka Kazakhstan,” ayuu yiri wasiir Cabdirisaaq.

Wasiirka ayaa sheegay in Turkiga iyo Soomaaliya aysan weli kala saxiixan heshiis shidaal oo rasmi ah, balse ay go’aansadeen inay iska kaashadaan wax soo saarka kheyraadka, balse ay dhiman yihiin heshiisyadii quseeyey shidaal qodista.

Wasiirka ayaa la weydiiyey halka uu ku dambeeyey amarkii ra’iisul wasaaraha ee ahaa in heshiiska shidaalka ee Turkiga iyo Soomaaliya la soo marsiiyo guddiga heshiisyada u qaabilsan xukuumadda, wuxuuna sheegay wasiirku in arrintaasi ay weli taagan tahay.

Wuxuu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay u sharaxayaan arrintaan sida ay u socoto, isaga iyo wasiirka maaliyadda, isagoo rajo ka muujiyey in shakiga galay Ra’iisul Wasaaraha uu ka saari karo hadii uu fursad u helo in arrintaan uu sharaxaad ka siiyo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {03-05-2024}

Jimco 3, May 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdirahmaan Osmaan...

{DAAWO MUQAALKA} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya

Jimco-03-may -2024 {HMC} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/IDUbKPEiZN4

WARARKA