Friday, May 3, 2024
spot_imgspot_img

Ethiopia oo soo faragelisay doorashada Somaliland, maxaa socda?

Talaado-23-April-2024 {HMC} Khilaafkii arrimaha doorashooyinka Somaliland ayaa dhawaan laga gaaray isfaham siyaasadeed, ayada oo lagu dhawaaqay inay qabsoomi doonto bisha Novermber ee sanadkaan.

Waxaa soo baxaya walaaca fara-gelin taban oo xukuumadda Addis Ababa ku yeelato doorashooyinka Somaliland, si ay kursiga ugu boobto Muuse Biixi, oo isagu Itoobiya la saxiixday is-afgarad beenaad lagu rumeynayo riyada Itoobiya ee helitaanka dhul badeed.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal kasoo saaray heshiiska doorashada Somaliland ayaa bogaadiyay in ugu dambeyn la go’aamiyey qabashada doorashooyinka muddo dhaafka ee madaxtinimada maamulkaas.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale wuxuu usoo jeediyay xisbiyada mucaaradka Somaliland iyo ururrada siyaasadeed inay u diyaar-garooban sidii looga hortagi lahaa qorshe kasta oo la isku-dayo in doorashada loogu boobo, kuwaasi oo xilligaan ka imaan kara dhanka xukuumadda Abiy, oo gacan saar la’leh Biixi.

“Xisbiyada Mucaaradka ah iyo ururrada kale ee siyaasadeed ee Somaliland, waxaa saaran masuuliyad wayn oo u bahaan xikmad, dulqaad, ku dhac iyo dhiiranaan lagu wajo mitid dirirka Muuse, caqabadaha uu dhigayo iyo miinooyinka siyaasadeed ee uu aaasayo.”

Hoos ka aqriso qoraalka

Waxaa bogaadin mudan guddiga doorashooyinka Somaliland ee ugu danbayn go’aamiyey in bisha November ee sanadka la qabto doorashooyinkii madaxtinimada maamulkaas.

Sida la wada ogsoonyahay doorashadani waxay ku timid halgan iyo loollan adag, iyada uu labo sano oo muddo xileedkiisa ka dheeri ah Muuse Biixi kursiga ku mitidayey. Waxaa u rajaynaynaa in ay si nabad ah oo daahfuran ku dhacdo.

Waa doorasho muuhiim u ah Somaliland iyo Soomaaliya. Inkastoo ay teeda haysato ciddii ay taageertana culays ku tahay, maadaama aysan tabar dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed lahayn, Itoobiya waxay isku deyi doontaa in ay xeelado taban iyo fara-gelin gurracan ku gacansiiso Muuse Biixi oo ay ka mid tahay dagaal lagu qaado Khaatumo, iyo in la boobo doorashada.

Xisbiyada Mucaaradka ah iyo ururrada kale ee siyaasadeed ee Somaliland, waxaa saaran masuuliyad wayn oo u bahaan xikmad , dulqaad, ku dhac iyo dhiiranaan lagu wajo mitid dirirka Muuse, caqabadaha uu dhigayo iyo miinooyinka siyaasadeed ee uu aaasayo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {03-05-2024}

Jimco 3, May 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdirahmaan Osmaan...

{DAAWO MUQAALKA} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya

Jimco-03-may -2024 {HMC} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/IDUbKPEiZN4

WARARKA