Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo shaaciyay Tirada cod-bixiyayaasha ee sannadkan.

Talaado-23-April-2024 {HMC} Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa madaxda xisbiyada iyo rurrada siyaasadda guddoonsiiyey liista kama-dambaysta ah ee cod-bixiyayaasha doorashada madaxtooyada iyo doorashada tooska ah ee xisbiyada.

Qoraal ay diyaariyeen guddiga doorashada Somaliland ayey ku sheegeen in tirada guud ee codbixiyeyaasha sannadkan wax doonaranaya ay gaarayaan in ka badan hal milyan iyo laba boqol oo kun oo qof.

Doorashada Somaliland ayaana la qorsheeyey inay dhacdo 13-ka November 2024 ee sannadkan, waxa ayna xisbiyadda ka jira Somaluland bilaabayaan u diyaar garoga doorashada soo socota oo loollan xooggan loo galayo.

Guddiga doorashada goobaha ay cod-bixiyaasha ka diiwaan-geliyeen waxaa kamid ah gobolka Sool oo hadda intiisa badan ka maqan gacanta maamulka Somaliland, lamana oga sida deegaannada gobolkaasi doorashada uga dhici doonto.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA