Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Haweeney Baraha bulshada taageero ugu muujisay maamulka Somaliland oo la xiray

Talaado ,23-April-2024 {HMC}  Ciidamada booliiska qeybta gobolka Sool ee maamulka Khaatumo State ayaa xabsiga dhigay haweeney lagu eedeeyay in ay baraha bulshada taageero weyn ugu muujisay maamulka Somaliland.

Booliiska Khaatumo ayaana xiray Yaasmiin Maxamed Diiriye oo ay ku eedeeyeen in ay taageertay maamulka Somaliland iyada oo joogta deegaannada Khaatumo, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in calanka maamulkaasi baraha bulshada kusoo bandhigtay.

War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Sool ayaa lagu sheegay in ay ku daba jiraan ayna soo qabanayaan dad kale ay ku eedeeyeen in ay caadeesteen in ay baraha bulshada ka taageeraan maamulka Somaliland ay dagaalka kula jiraan.

Booliiska Khaatumo State ayaana uga digay dhallinyarada kunool deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo in ay ku kacaan falal lagu taageerayo Somaliland, waxa ayna ugu goodiyeen ciddii lagu qabto in la xirayo lana horgeyn doono maxkamad.

Maamulka Somaliland ayaa sidaan oo kale deegaannada uu ka taliyo uga mamnuucay in laga taageero maamulka Khaatumo iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya, iyagoona xarig iyo dhibaato kalaba muteesanaya ciddii lagu qabtaa calanka Soomaaliya iyo kan khaatumo.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA