Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maraykan ah oo xabsiga dhigay arday ka soo horjeesatay, duullaanka Israa’iil ee Qaza.

Talaado-23-April-2024 {HMC} Masuuliyiinta Jaamacadda Columbia ee ku taalla magaalada New York ayaa Isniintii sheegay inay hakiyeen, in ardaydu ay timaaddo fasalada si ay u qaataan casharadooda, taas bedelkeeda waxay sheegeen in ardaydu ay casharada ku qaadan doonaan, hab muuqaal ah.

Tallaabadan ayaa jawaab u ah, ka dib markii maalmahan ugu dambeeyeyba ay jaamacaddaas ka socdeen mudaharaado lagu taageerayo Falastiiniyiinta, taasoo keentay in xabsiga loo taxaabo qaar ka mida ardayda.

Qoraal uu soo saartay guddoomiyaha Jaamacadda Columbia Nemat Minouche Shafik ayaa sheegtay in jaamacaddu ay hakisay casharadii lagu bixin jiray gudaha jaamacadda, iyada oo cambaaraysay, ereyada nacaybka ah ee ka dhanka ah Israa’iil, hanjabaadda iyo dhaqanada caga-juglaynta ah ee ka dhacay dhismaha jaamacadda.

In ka badan 100 arday oo ka qayb gelayey banaanbax lagu taageerayey Falastiiniyiinta ayaa Xabsiga loo taxaabay Khamiistii, ka dib markii guddoomiyaha jaamacaddu ay ka dalbatay ciidamada boolisku inay ardaydaas kala kexeeyaan.

Ardaydan ayaa ka soo horjeedda, duullaanka Israa’iil ee Qaza.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA