Friday, May 3, 2024
spot_imgspot_img

Maxaa ka jira in hoggaanka Xamaas oo laga saarayo dalka Qatar

Talaado-23-April-2024 {HMC} Qatar ayaa maanta sheegtay in hoggaanka siyaasadeed ee Xamas ay ku sii nagaan doonaan Doha inta joogitaankoodu uu faa’iido u leeyahay dadaallada dhex-dhexaadinta ee looga dan leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka Gaza.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii warbaahinta qaar ay ku warrameen in Xamas laga yaabo ama la weydiisan doono iany ka tagaan saldhigooda Qatar.

“Ilaa iyo inta joogitaankooda halkan Doha, sida aan had iyo jeer sheegno, uu waxtar u leeyahay dadaalkan dhex-dhexaadinta ah, way sii joogi doonaan halkan,” waxaa sidaas shir jaraa’id ku sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Qatar Majed al-Ansari.

Waxa uu intaas ku daray in Qatar ay sii wado inay dib u qiimeyso doorkeeda dhex-dhexaadiye ah.

Qatar oo tan iyo 2012-kii martigelisay hoggaanka siyaasadeed ee Xamaas, ayada Maraykanka uu raali ka yahay, ayaa waxay toddobaadyo ku lug laheyd wadahadallo daaha gadaashiisa ah oo ku saabsan sidii xabad-joojin loogu soo dabaali lahaa Gaza iyo sii deynta la haystayaasha Israel, ayada oo ku beddelanaysa maxaabiis Falastiiniyiin ah oo lagu hayo xabsiyada Israel.

Hase yeeshee kadib markii dhex-dhexaadiyayaasha, oo ay sidoo kale ku jiraan Mareykanka iyo Masar, ay ku guul-dareysteen in la hakiyo dagaalka intii lagu guda jiray bisha Ramadan, ayaa ra’iisul wasaare Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani uu sheegay toddobaadkii tegay in Qatar ay dib u eegeyso doorkeeda.

Hadalkaas ayaa dhaliyey tuhuno ku saabsan in Xamaas laga yaabo in la weydiisto inay ka tagto dalkan ku yaalla Gacanka ee gaaska hodanka ku ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {03-05-2024}

Jimco 3, May 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdirahmaan Osmaan...

{DAAWO MUQAALKA} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya

Jimco-03-may -2024 {HMC} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/IDUbKPEiZN4

WARARKA