Saturday, May 4, 2024
spot_imgspot_img

(Sawirro) Booliiska Muqdisho oo qabtay mootooyinka A iyo B ku buufsanyihiin.

Talaado-23-April-2024 {HMC} Ciidanka booliiska ee ka howlgala gobolka Banaadir ayaa gacanta Ku soo dhigay eedeysanayaal lagu qabtay iyaga oo si sharci-daro ah ah mootooyinka bajaajta ugu buufinaya calaamada A iyo B ay ku shaqeeyaan mootooyinka.

Howlgal ay sameeyeen ciidanka booliiska saldhigga degmada Xamar Jajab ayeyna kusoo qabteen eedeysanayaasha ku guda jiray buufinta bajaajta, waxaana horey buufinta bajaajta looga soo saaray sharci, iyadoona loo xiray dad gaar ah oo gobolka ogyahay.

War kasoo baxay taliska booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in eedeysanayaasha xilliga la qabanayay meel gaar ah kula dhuunteen buufinta bajaajta, waxa ayna uga digeen cid kasta oo arrintan oo kale lagu qabto in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Ciidanka booliiska ayaana bilaabay baaritaanno lagu sameenayo eedeysanayaasha lagu soo qabtay buufinta sharci-darada ah ee mootooyinka, waxa ayna xuseen booliiska in maxkamad loo gudbin doono dadkan haddii lagu helo dambiga lagu soo eedeeyay.

Mootooyinka bajaajta ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho ayaa lagu buufiyay calaamada A iyo B, si ay midbo maalin gaar ah u shaqeyso, waxaana mootooyinka loo sameeyay nambaro ugu jira diiwaanka oo lagu ogaanayo cidda iska leh iyo numberkeeda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {03-05-2024}

Jimco 3, May 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdirahmaan Osmaan...

{DAAWO MUQAALKA} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya

Jimco-03-may -2024 {HMC} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/IDUbKPEiZN4

WARARKA